berberatoday.com
War Murtiyeed Kasoo Baxay Shirweyne Qurba Joogta Gobolka Saaxil Ugu Soo Dhamaaday London Iyo Go,aamada Laga Soosaaray
December 30, 2018 - Written by admin
London(Berberatoday.com)-War-murtiyeed ka soo baxey shirweynihii Beesha Ciise Muse ee ka dhacay Galbeedka Caasimada London – Sabtidii  29/12/2018
Shirweynahan waxaa u dhamaa bahweynta qurbe-joogta Ciise Muse ee degan magaalooyinka kala duwan ee wadanka ingiriiska. . Shirka waxaa lagu furey Aayadaha quraanka kariimka ah. Shirku wuxuu ku saleysnaa doorka ay horena uga qaateen hadana uga qaadan karaan qurbe-joogta beeshu Horumarinta Degaanada ay degaan Beeshu gaar ahaan Taakuleynta Arimaha Bulshada.Waxaa shirkaa warbixino togan oo mugleh soo jeediyey dhamaan Ergooyinkii ka kala socdey,Magaalooyinka kala duwan ee UK, sida Birmingham,  Manchester iyo Sheffield.  Waxaa iyana goobta shirkaa ka hadley garabyada kala duwan ee haweenka  Beesha Ciise Muse ee UK.
Shirka waxaa si qoto dheer loo qaa daa-dhigay oo looga hadley qodobadan hoos ku xardhan:
1- Sidii dar dar xoogan loo gelin lahaa Horumarinta Arimaha Bulshada ee degaanka balaadhan ee ay beeshu degto,gaar ahaan Waxbarashada iyo Caafimaadka.
2- Waxaa wax garadka iyo aqoonyhanka beeshu ay isla qaateen in  iyada oo taxadar iyo mudnaanba la siinaayo Nabadgelyada ay Somaliland maanta ku fadhido
in fiiro gaar ah loo yeesho dhulka ay beeshu degto ee Degaameynta bilaa sharciga ah laga bilaabay beryahan danbe.
.
3-.Waxaa Qurbe-joogta Beeshu soo dhaweeyeen Degmada cusub ee Masalaha Gorod ama ( Qabri Gorod ) ee dhawaan la dhagax dhigay xafiisyadeeda .
4- Waxaa Beeshu carabka ku adkeysay in aanay Degmadaa cusub ka xigsan kana laheyn Beelaha kale ee walaalaha ah ee Degmada alleh ku abuuray.
5- Waxaa Beeshu isku waafaqday In midnimada iyo Jiritaanka Somaliland ay tahay mar kasta iyo goob kasta biyo kama dhib caan Lama taab taan muqadas ah.
6-  Waxaa shirkaas lagu Doortay Gudoomiye cusub oo uu noqday Mudane Ali Ibrahim Mohamed iyo  Gudoomiye ku xigeen cusub oo ah Mudane Mohamed Ahmed Haji Adan ,  Guntii iyo Gebagebadii wuxuu  shirku ku soo dhamaadey Jawi aad u-farxad badan iyo heshiis wadareed mug leh oo af garad ah oo la isku wada waafaqey qodobadii  shirka ka soo baxay oo dhan.
Waa Bilaahi Towfiiq
Gudida Qaban Qaabada Shirka
London UK

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews