berberatoday.com
Halkee Buu Salka Ku Hayaa Weerarka Ay Wasiir Hinda Gaani Ku Hayso Warbaahinta Madaxa Banaan?
January 1, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Shaqada Hinda Jaamac Gaandi ayaa tiraba laba jeer weerar dhinaca afka ah ku qaaday Guud ahaan Warbaahinta Somaliland kaasi oo ay u sheegtay inay saluugsan tahay hanaanka Shaqo ee Warbaahinta dalka iyadoo carabka ku adkaysay inaanay Warbaahinta Somaliland dhib iyo murugo mooyaane aanay Bulshada wax waxtar u leh u baahin.

Waxa ay sheegtay inay Shaqsi ahaan saluugsan tahay hanaanka ay Warbaahinta Somaliland u shaqayso, iyadoo tilmaantay inay bulshada u gudbiyaan oo qudha arimo horseedaya kala qaybsanaan bulsho. Waxay Sidoo kale sheegtay in marka la isku soo ururiyo dhamaan Waxyaabaha ay Warbaahinta Somaliland bulshada la wadaagto ay iskugu aroorayso inay bulshadu logooyo culus ku qabto ee aanay wax faa’iido leh ku qabin. Iyadoo carabka ku adkaysay in Warbaahintu faafiso inaan Qarankan Somaliland loo sinayn, dadkuna kala qolo yihiin islamarkaana ay maayarkii sharciga ahaa ku sheegayaan mid aan sharci ahayn, oo Madaxweynihii Bulshadu soo dooratay ay ku sheegaan inaanu Madaxweyne ahayn.

Hinda Gaandi ayaa hadalkan ka sheegtay Doraad oo ay khudbad ka jeedisay Shir Laba cisho socday oo ay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland warbaahinta ugu qabatay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxaana hadaladeeda ka mid ahaa sidan “Waa Maxay Waxa ay Warbaahinta Somaliland u gudbiyaan ama ay la wadaagaan Bulshada Somaliland?, Maxayse Bulshadu ku qabtaa?, Markaan soo ururiyo waxaan odhan karnaa Bulshadu logooyo ayay idinku qabtaa, waayo? Markii ay Madaxweynihii ay doorteen aad tidhaahdaan maaha Madaxweyne, oo aad soo daysaan, oo dadkuna ay daawanayaan, ee aad tidhaahdaan Maayarku maaha maayir, dadkuna ay daawanayaan, ee aad tidhaahdaan dadkuna waa kala qolo, oo aad tidhaahdaan Qaranka Somaliland maaha mid loo siman yahay oo cadaalad ah, oo aad tidhaahdaan Qarannimadda ma aqoonsanin, waxaasi oo dhami hadda maaha wax aan iska leeyahay, waa wax aad soo gudbisaan, waa wax ka baxa Tv-yadda,Waxaasi oo dhan marka la isku ururiyo, waxaad bulshada u soo gudbisaan wax dhaawac ku ah oo dhimasho ku ah, oo Murugo ku ah oo barmadaw ku ah, sidaa darteed waxa aad u soo gudbisaan maaha wax naraali galinaya”.

Maaha markii u horaysay ee ay Haweenaydani weerar afka ah ku qaado Warbaahinta balse hore ayay dhawr jeer hadalo xanafleh oo aanay u meel dayin ay ku weerartay Warbaahinta,waxaanay hadalkan u dambeeyay ee ay ka jeedisay madal warbaahin badan kulmisay ay buuq iyo sawaxan ka dhex abuurtay dadkii Madasha ku sugnaa iyagoo aad uga cadhooday kalmado aan laaqi ahayn oo ay u adeegsatay iyadoo sheegtay inay warbaahinta Somaliland lidi ku tahay Xiitaa Qarannimada oo aanay aqoonsanayn jiritaanka Somaliland (Waxaad tidhaahdaan Qarannimadda ma aqoonsanin” taasi oo sii kala fogaynaysa Xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Warbaahinta iyo Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, balse waxa la eegi doonaa talaabada ay ka qaado Xukuumaddu iyo sida ay uga xaal mariso Warbaahinta.

Halkee Ayay Iska Sanifeen Warbaahinta Madaxa Bannaan Iyo Wasiir Hinda Gaandi?.

Xogo arintani ku saabsan oo Wargeyska Foore Baadhay ayaa waxaanu ku ogaaday halka ay kasoo unkantay xidhiidhka aan wanaagsanayn ee ka dhexeeya Warbaahinta Madaxa Bannaan iyo Wasiirka Qoyska Hinda Jaamac Gaandi. Qaar ka mid ah Warbaahinta Madaxa bannaan ayaa bilawgii markii uu ku dhawaaqay Madaxweyne Biixi Golihiisa Wasiiradda ayaa waxa ay falanqayn ku sameeyeen heerkooda aqooneed qaar ka mid ah Wasiiraddaasi, waxaanay Hinda Gaandi ka mid ahayd wasiiraddii ay Warbaahinta qaar aad u qaadaa dhigeen Cv-gooda dhinaca Heerkooda waxbarashada iyadoo warbixinahaasi lagu sheegay inaanay saddex Wasiir oo ay Hindi ka mid ahayd aanay xiitaa dhamaysan Waxbarasho dugsi sare, arintaasi oo naxdin iyo anfariir ku riday wasiiraddaasi balse markii dambe dhulka la dhigay oo aan lasii wad wadin. Wasiir Hinda ayaa tan iyo maalintaasi waxa ay ilgaar ah ku eegaysay Warbaahinta Madaxa bannaan iyadoo gaadhay heer ay Fagaarayaasha ka dacaayadayso Warbaahinta si ay aargoosi uga dhigato. Waxa kale oo ay xafiiskeeda iyo Guud ahaan Wasaaraddeeda ka mamnuucday inay wax waraysi ah ama fursad baahineed kasiiso Warbaahinta Madaxa bannaan

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews