berberatoday.com
Maxay Yihiin Howlaha Loo Igmaday Xafiiska UN-Ka Ee Soomaaliya?
January 3, 2019 - Written by admin

Muqdisho(Berberatoday.com)-Howlaha xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee haatan jira ayaa la hirgeliyay bishii June ee sannadkii 2013-ka, xiligaasi oo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay meel mariyeen qararr tirsigiisu uu yahay 2102.

 

Sanadkaasi ka hor waxaa howlaha Qaramada Midoobay gacanta ku hayay wakiilladii Xoghaya Guud ee arrimaha Soomaaliya, balse xilligaasi ayaa magaca laga badelay oo laga dhigay xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageeridda Soomaaliya.

Howgalka UN-ka ee Soomaaliya ayaa waxaa dhowr jeer oo hore dib u cusbooneysiisay golaha ammaanka ee Qaramad Midoobay, waxaana howlaha UN-ka ee ay iminka ka qabtaan Soomaaliya ay ku egtahay 31 bisha maarso ee sannadkan 2019-ka.

Golaha ammaanka ayaa sannadkii 2013-kii si buuxda isug raacay qaraar tirsiigiisu uu yahay 2102, kaasi oo dhigaya in shaqada xafiiska UNSOM ee Soomaaliya ay tahay in dowladda uu kala taliyo arrimaha gundhiga u ah siyaasadda iyo howgalka midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM.

Dowladda Soomaaliya ayaa waakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ku amartay inuu dalka ka baxo

Arrimahaasi waxaa ka mid ah sida ku cad howlaha loo igmaday; ka shaqeynta nabadda iyo dib u dhiska hay’daha dowliga iyadoo diiradda la saaraya, dowlad wanaaga iyo dib u habeynta laamaha ammaanka.

Waxaa kale oo howlaha loo igmaday kamid ah: soo celinta kala dambeynta sida horumarinta hannaanka federaalka, dib u eegista dastuurka, ka shaqeynta dimuqraadiyadda Soomaaliya iyo walibana isku duba ridka taagaeerada deeq bixiyeyaasha caalamka ay siiyaan Soomaaliya.

Waxyabaha kale ee loo igmaday xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ah xoojinta hay’adaha dowladda, sare u qaadida xuquuqul insaanka iyo awood siinta dumarka iyo carruurta.

Golaha ammanaka ee Qaramada Midoobay ayaa xafiiska UNSOM ee Soomaaliya sidoo kale u igmaday inay la socdaan, baaritaanna ku sameeyaan xadgudub walba oo ka dhan xuquuqda aadanaha, kana soo horjeeda sharciga xuquuqul insaanka ee caalamka iyo kan Soomaaliya.

Hasa yeeshe, sida ku cad bogga rasmiga ah ee xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, waa in Soomaaliya ay ka soo fushaa howlaha ay tahay in beesha caalamka ay ka caawiso.

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay ayaa saddexdii bilood ba mar si joogta ah ugu wargeliya golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay dhaqan gelinta howlaha loo igmaday howgalka UN-ka ee Soomaaliya

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews