berberatoday.com
Mareykanka Oo Go’aan Lama Filaan Ah Ka Qaatay Howl-Galkii Soomaaliya
January 5, 2019 - Written by admin

Moqdisho(Berberatoday.com)-Milatariga Mareykanka ayaa qorsheynaya inuu dhimo kaalintii uu ku lahaa Soomaaliya iyo duqeymaha ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaa sidaas weriyey taleefishinka NBC News oo soo xiganaya saraakiil sare.

 

Tallaabadan ayaa saldhig looga dhigay qiimeyn uu saameyey maamulka Trump oo muujisay, in inkasta oo Al-Shabaab ay halis ku yihiin dowladda Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah, haddana aysan halis toos ah ku hayn Mareykanka, sida ay sheegeen saraakiisha la hadlay taleefishinka NBC News.

Si kastaba, afhayeenka waaxda gaashnaadhigga Mareykanka, Candice Tresch ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri “waxba iskama beddelin siyaasadda Mareykanka ee howl-gallada Soomaaliya, waana sii wadi doonnaa taageerada dowladda Al-Shabaab iyo beegsiga lagu wiiqayo Al-Shabaab.”

Markii uu xukunka qabtay, Trump ayaa kordhiyey ciidamada ka jooga Soomaaliya, ee caawiya dowladda federaalka, islamarkaana duqeymaha beegsiga Al-Shabaab ka fuliyey deegaanada ay kooxdaas joogto.

Hase yeeshee, kadib talo-bixin ka timid xoghayihii difaaca ee is-casilay Jim Mattis, waxaa milatariga uu yareeyey howl-galkii Soomaaliya, sida uu sarkaal sare u sheegay NBC News.

Qeyb ka mid ah sababaha loo yareeyey howl-galka ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay xubno badan oo sare ka dileen kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan dhihi lahaa bartilmaameedyadii ayaa naga dhammaanaya” ayuu yiri sarkaalka.

Qorshaha cusub ayaa ah in ciidamada Mareykanka ee kooban laga soo saaro Soomaaliya, islamarkaana howl-galka duqeymaha lagu wareejiyo hay’adda sirdoona dhexe ee CIA-da.

Pentagon-ka Mareykanka ayaa la rumeysan yahay inay Soomaaliya ka joogaan 500 oo askari.

Inkasta oo CIA-da fulin karto duqeymo, haddana waxaa meesha ka baxaya ciidamadii hagi jiray duqeymaha, sidoo kalena weerarada qaar ee dhulka ku caawin jiray ciidamada kumaandooska Soomaaliya.

Militariga Mareykanka ayaa Soomaaliya waxa uu sanadii 2018 ka fuliyey 47 duqeyn, taasi oo ka badan 35-kii duqeyn ee ay fuliyeen 2017.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews