berberatoday.com
“Waxaa Hubaal Ah Inay Mucaaradku Dadkooda U Tudhayaan”Siyaasi Baashe Cali Jaamac
January 5, 2019 - Written by admin

 

Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Baashe Cali Jaamac, oo ka mid ah masuuliyiinta Xisbiga mucaaradka ee Waddani, Xukuumaddii horena ka soo qabtay xil Wasiirnimo, ayaa wax aad loola yaabo ku tilmaamay in Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Muuse Biixi inay yidhaahdaan Mucaarad ama Mucaarad adagi dalka kama jiro, waxaanu xusay inay Xisbiyada Mucaaradku mar walba dantada umadda inay ka talinayaan, ee fooda iyo xumaan aanay rabin.

Siyaasi Baashe Cali Jaamac, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Waxaan aad iyo aad ula yaabay, oo layaab igu noqday in Wasiiro ka tirsan Xukuumadda inay yidhaahdan Mucaarad ama Mucaarad adagi dalka kama jiro, waxaanu leenahay dalka Mucaarad uu ka jira, oo Xisbiyo Mucaarad dalka wey ka jiraan, laakin waxaa hubaal ah inay Mucaaradku dadkooda u tudhayaan, ee Wasiiradda Muuse Biixi dib ha iskugu noqdaan, oo waxay ku hadlayaan ha ka fiirsadaan, Xisbiyada Mucaaradku qas iyo buuq inay abuuran diyaar uma ah, laakiin inay wax toosiyaan ayey diyaar u yihiin, Xisbiyada Mucaaradku nabad iyo xasilooni ayey wax ku doonayaan, xabad waxba ku dooni mayaan”.

Siyaasi Baashe mar uu ka hadlaayey Xisbiga Waddani ayaa yidhi “Xisbiga Waddani, waa Xisbiga ugu balaadhan dalka, haddana waa Xisbiga ugu da’da yar,Xisbiga Waddani, waxaa iskugu yimid labeentii iyo wax-garadkii iyo Siyaasiyiintii Somaliland, waana Xisbi mar walba dadkiisa u tudhaya”.

Dhinaca kale wuxuu ku taliyey in mar walba dantada qaranka laga wada shaqeeyo, oo nabadgalyada ilaalinteeda meel looga soo wada jeesto.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews