berberatoday.com
Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Sheegay Inuu Wakiil Cusub Usoo Magacaabayo Soomaaliya.
January 5, 2019 - Written by admin

New York(Berberatoday.com)-Xoghayaha guud ee QM António Guterres ayaa sheegay inuu ka xun yahay go’aanka dowladda Soomaaliya ay shaaca uga qaaday in wakiilkiisii Soomaaliya Nicholas Haysom ay dalka kaga Eriday

Gutteres ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo Mr. Hasyom, oo uu ku tilmaamay nin khibrad leh oo goobaha adeegga dadweynaha ee caalamka aad looga xushmeeyo, kuwaasi oo uu kasoo qabtay xilal kala duwan.

Xogahaya Guud Waxa uu sheegay in xeerka persona non grata uusan qaban shaqaalaha QM.

Waxa uu yidhi “Sida ku cad xeerka 1961 ee Vienna, kuna saabsan xidhiidhka diblomaasiyeed, waxaa persona non grata isku adeegsan kara laba waddan, sidaas darteed QM ma ahan waddan”

Waxa uu intaas ku daray “sidaas oo jirta, haddana waxaa xoghayaha guud ee QM ahaan iga go’an xaqiijinta baahiyada dadka Soomaalida, oo ah shaqada hormuudka u ah xafiiska QM ee Soomaaliya. UNSOM waxay u baahan tahay inay sii waddo shaqadeeda taageeridda Soomaalida”

“Sidaas darteed waxaan soo magacaabayaa wakiilka cusub oo madax ka noqon doona xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM, sida ugu dhaqsiyaha badan” ayuu yidhi.

Xoghayaha guud ee QM ayaa sidoo kale  sheegay inay ka go’an tahay caawimaadda dadka Soomaaliya, iyo dadaallada ay ku gaadhayaan nabad, xasilooni iyo badhaadhe.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews