berberatoday.com
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Mar Kale Siminaar U Furaya Wasiiraddiisa, Wakhti Ay Bulshadu U Dheg Taagayso Isku Shaandhayn Iyo Wax Ka Badel Uu Ku Sameeyo Xukuumadda
January 7, 2019 - Written by admin
 Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sida la sheegay mar kale siminaar tababar ah u furaya Golihiisa Xukuumadda wakhti uu laba todobaad ka hor siminaar laba cisho qaatay uu u soo xidhay Xubnaha Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaha dalka ee kale duwan.

Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa noo xaqiijiyay in Madaxweyne Biixi Mar kale qorsheeyay inuu todobaadkan siminaar tababar ah u furo Xubnaha kujira Golihiisa Wasiiradda, isagoo sanadkii hore bilawgiisiina Siminaar kani oo kale ah oo aqoon korodhsi ah u furay Golihiisa Xukuumadda wakhtigaasi oo ay cusbayd Xukuumaddiisu. Waxa uu sidoo kale laba todobaad ka hor siminaar tababar ah oo dhamaadkii bishii hore u soo xidhay uu u qabtay Xubnaha Agaasimayaasha Guud ee Dalka kuwaasi oo muddo laba cisho ah aqoon korodh ku soo qaatay huteel Galbeedka Caasimadda Hargeysa kuyaala halkaasi oo ay casharo shaqadooda ku saabsan ugu soo laqimeen Macalimiin ama khabiiro jaamacadaha dalka wax dhigaa.

Marjiro war rasmi ah oo arintani xaqiijinaya oo naga soo gaadhay dhinaca Madaxtooyadda balse illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay Qaar ka tirsan Xubnaha Golaha Wasiiradda Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ayaa noo xaqiijiyay arintani, waxaanay sidoo kale noo sheegeen in maalinta salaasada ah, oo maalinta bari ah  ku beegan in la filayo inuu  siminaarkani u furmo ama la xereeyo,iyagoo noo sheegay inuu sidoo kale socon doono Muddo laba cisho ah oo ay ku soo qaadan doonaan Casharo la xidhiidha Dhinaca shaqooda iyo dardar galinta Hawlaha ay qaranka u hayaan. Arintan ayaa kusoo beegmaysa Wakhti ay Bulshadu u dhegtaagayso isku shaandhayn iyo wax kabadel uu Madaxweyne Biixi ku sameeyo Golihiisa Xukuumadda, iyadoo dhinaca kalena suuqyada Siyaasadda ay maalmahan kujirtay inuu Madaxweynuhu damacsan yahay inuu dib u habayn ku sameeyo Xukuumaddiisa isagoo xubno ka saaraya, xubno Cusubna Xukuumadiisa ku soo daraya si uu u dardargaliyo islamarkaana boodhka uga jafo oo uu  u gufeeyo God-daloolooyinka ka jira Xukuumaddiisa, ugana jawaabo Saluuga Bulshada uga imanayay sanadkaasi ay jirtay Xukuumaddiisu.

Dhinaca kale Madaxweyne Biixi ayaa u Muuqda inuu jilayo Filim Uu Indhaha Bulshada iyo Fadhi ku dirrirka uga jeedinayo Hanaankiisa shaqo,Iyo inaan waxba la ogaan wax ka badelada uu ku samanayo Xukuumadiisa iyo waliba Shaqsiyaadka uu ku soo darayo,kana saarayo Xukuumaddiisa,  waxaanu u muuqdaa inuu aad u qarsaday sirtii laga heli jiray Dhinaca  madaxtooyada ee ku saabsanaa xubnaha uu xilka ka eryayo iyo shaqsiyaadka uu Xukuumadiisa ku soo darayo ee ku soo biiraya taasi oo ay aad u adag tahay in si dhib yar lagu ogaado tan iyo intii uu Xilka qabtay.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews