berberatoday.com
Sidee Ayuu Oday Cadami U Arkaa Siyaasiyiintii Laga Saaray Xisbiga KULMIYE?
January 8, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa Axsaabta ugu baaqay inay ka heshiiyaan khilaafka cusub ee soo kala dhex galay, waxaanu kula taliyey inay is fahan ka gaadhan wax kasta oo dhib iyo caqabad ku ah Doorashooyinka soo socda iyo arimaha ay isku hayaan.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ka hadlay amuuro kala duwan, waxaanu ugu horayn yidhi “Doorashada ha la qiimeeyo, oo dadka tababar ha la siiyo, inkasta oo dadkeenu dadaalay, oo Doorashooyinkii ina soo maray ay ku amaanan yihiin, ee saddexda Xisbi ayey arintu khuseeysa, saddexduna kuma kala maqnaan karaan, cid kaligeed la faquuqayana ma jirto, ee buraan-buradii hore loo qaaday ha laga baxo, caqliga wanaagsani ha shaqeeyo, oo Xisbiyadu ha ka heshiiyaan wax kasta oo khuseeya arimaha Doorashada,umaddani waa umad wanaagsan oo riwaayado badan oo ay arkayaan ka dulqaadanaysa samirkooda ha la ixtiraamo, Xisbiyada caqligoodo ha shaqeeyo”.

Caddami mar aanu wax ka weydiinay aragtidiisa ku waajahan Wasiiradda tilmamaay in dalka aanu Mucaarad ka jirin ayaa yidhi “Dhinaca kale wuxuu odhanayaa Mucaaradku wuu hagaagsan yahay, waxba ma qabo, oo shaqadii laga rabay iyo mid dheerad ah ayuu wadaa, ee Xisbiga xukunka haya bay sartu ka qudhantay buu se leeyahay, laakiin iska sheeg sheegu waxba kordhin mayso, ee waxaanu cod dheer ku leenahay Somaliland wax ka waaweyn bay soo martay, oo ka soo gudubtay, oo dhisantay,cadaawad iyo waxyaabaha wax lagu tilmaamayo iyo in wax kale la raadiyo waa laga soo gudbay halkaas, dulqaad hore oo badan baa hore loo soo sameeyey, samirkuna xuduud buu leeyahay, ee waxaan leeyahay dadka masuuliyada hayoow dib iskugu noqda, oo u daaya xaqa ay dadku leeyihiin, oo Axsaabta Mucaaradku leeyahay, oo ka Muxaafidku dhiniciisa ka leeyahay, oo dib ha la iskugu noqdo, waxaanu leenahay caqiiqadii wanaagsanayd ee la iskaga dulqaadan jiray iyo wixii dan la moodana la sameeyn jiray, bisanka ha lagu qabsado”

Caddami mar aanu wax ka weydiinay Xisbiyaga Kulmiye iyo masuuliyiintii dhawaan laga saaray ayaa ku jawaabay “In la is kala gura waxay dhaawac weyn ku tahay Xisbiga Kulmiye oo maraaxil badan soo maray, mawqifyadii hagaagsanaa ee uu halkan ku soo gaadhay, inuu magac xumo ku bedelo waa nasiib daro, waanu ku jirnaa, waanu maqlaynaa, ma dhego beelin, ma indho beelin, dadka meesha jooga  waa dad wax kala garanaya oo caqli leh,hawsha xaq baa loo leeyahay,  Madaxweyne ayaa jooga, Madaxweyne ayaa bedelay,in sidii caadiga ahayd in dadka loo kala bedelo, cidii markaas awooda leh waa la og yahay, la iskuma hayo, laakiin wax ka qabashooyin badan dartood, anigu waxaan leeyahay Xisbigii ha la hawlgaliyo, wax badan baa Xisbiga gudihiisa laga wada hadli karaa, dhawritaan buu leeyahay,oo in hab masuuliyadeed wax lagu qaato, oo xaqiiqada la waajaho weeye, inta aan waxba la dhaliilin, ama saluug aan la muujin, waxaa ka horeeya in la is arko, oo masuuliyiintu cid waliba goonideeda isku aragto, Xisbiyada yaan loo arkin in nin leeyahay, ee Xisbiyada qaran baa leh, rayiga ayaana ka qaalisan lacagta, wixii rayi ama fikir ah ee la rabo in wax lagu saxo, waxaa wanaagsan in Xisbiyada dhexdooda laga saxo, ama cidda ay khuseeysay si gaar ah loogu sheego,sidaas ayaa wax lagu sixi karaa, waxna lagu hagaajin kara, laakiin si kale waxba laguma hagaajin karo”.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews