berberatoday.com
Baadari Diinta Kiristaanka Ku Dhex Faafiya Magaalada Muqdisho Oo Ka Hadlay Duruufta Uu Ku Hawl Galo Iyo Soomaali Uu Gaalaysiiyey!!
January 10, 2019 - Written by admin
 
 
 

Muqdisho(Berberatoday.com)-Caasimadda waddankaasi Soomaaliya ee Muqdisho ayaa la sheegay in uu ka hawl galo wadaad weyn oo diinta Kiristaanka faafiya kaasi oo dhalasho ahaan ka soo jeeda waddanka Kenya, dadka magaalada ku noolina walaac weyn ka muujiyey dadaalka uu dadka diinta kaga saarayo.

Wargeyska Diinta Kiristaanka faafiya ee wordandway.org, ayaa warbixin ka qoray Baadarigan Kenyaanka ah oo shantii sano ee la soo dhaafay faafinta Kiristaanimada ka wada Magaalada Muqdisho.

Baadarigan oo magaciisa la qariyay hayeeshee la siiyay Magaca John ayaa sheegay in uu Muqdisho ku joogo Qandaraasle dhismaha ah, hayeeshee uu farriinta fidinta Kiristaanimada kawado Muqdisho. Waxaanu sheegay in duruuf adag uu ku hawl galo maadaama amnigiisu halis ku jiro oo daqiiqad kasta la khaarajin karo haddii ay ogaadaan kooxaha Islaamiyiinta ahi.

Isaga oo la hadlayay wargeyska ayaa John waxaa uu sheegay in uu u dhashay Kenya, shan sano ka horna uu yimid dalka Soomaaliya balse uu dalkaasi u ku shaqaysto dhinaca qandaraasyada oo aanu is muujin balse uu u hawl galo oo uu diintiisa u fidiyo si qarsoodi ah oo hoose.

Ninkan Baadariga ah ayaa Waxaa uu sheegay in Dadka Soomaalida ahi aanay saaxiib la noqon dadka aan Muslimka ahayn, haddii ay kugu ogaadaan in aanad Muslim ahayna ay adagtahay in ay kula saaxiibaan.

Mr John ayaa sheegay in qol yar ay isugu yimaaddaan isaga iyo xertiisa oo sida uu sheegay u badan Soomaali uu gaadhsiiyay Kiristaannimada si qarsoodi ahna ku qaatay, kuwaas oo ka baqaya in ay la wadaagaan qoysaskooda.

John ayaa tilmaamay in ay si qarsoodi ah u heesaan, una cibaadaystaan marka ay fursad isu helaan iyaga oo iska qarinaya dadka kale ee Soomaalida ah kuwaasi oo cabsi weyn ka qaba in la khaarajiyo ama dadka laga dhex saaro haddii qorshahan lagu ogaado.

Wakiilka Pop-ka Faatikaanka (Vatican) ee Jabuuti iyo Soomaaliya oo ku sugan Dalka Jabuuti ayaa sheegay in nolosha dadka aan Muslimiinta ahayn ee Soomaaliya ay khatar badan ku jirto.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews