Ciidamada Puntland Oo Iskaga Baxay Fadhiisamadoodii Deeganka Tuko-Raq Iyo Sababta Keentay
January 10, 2019 - Written by admin
Garoowe(Berberatoday.com)-Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ayaa shalay saldhigyo kala duwan oo ay ku sugnaayeen isaga baxay, gaar ahaan kuwii fadhiyay jiidda Tukaraq ee dhinacan Somaliland.
Ciidamada Puntland oo qaab-dhismeedkoodu marka horeba u diyaarsanaa qaab beelaysan oo u kala joogay qaabka beelaha ay ka soo jeedaan ayaa waxa xaaladda oo muddooyinkii dambe ku xumayd uga sii daray sida ay wararku sheegayaan markii uu dorraad guul darraystay oo shan cod lagaga badiyey Mid ka mid ah Musharaxiinta tartamaysay oo ay si gaar ah u taageersanaayeen kaasi oo ninka dhallinyarada ah ee Janaraalka ahaa oo lagu magacabo Asad Cismaan Cabdilaahi Diyaano kaasi oo kaalinta labaad ka galay tartankii doorashada ee lagu doortay Siciid Cabdilaahi Maxamed Deni.