berberatoday.com
Guddoomiyayaasha Guurtida Iyo Wakiilada Oo Ku Mashquulsan Qorshe Ay Xisbiyada Mucaaridka Ku Furfu- Rayaan
January 10, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda iyo Gudoomiyayaasha Goleyaasha Guurtida iyo Wakiiladda ayaa dadaal dheer ugu wada jira sidii ay Xisbiyadda Mucaaridka u kala jabin lahaayeen ee ay u ogolaysiin lahaayeen inay ka soo tanaasulaan Mawqifkii ay kala taagnaayeen Komishan Doorashooyinka, waxaanay si gooni gooni ah ula faqayaan inay marsiiyaan Korodhsiimo la sheegay inay Xukuumaddu rabto inay wakhti dheer dib ugu dhigto qabsoomida Doorashooyinka Wakiiladda Iyo Goleyaasha Deegaanka, iyo sidii komishankan Sidaa uu yahay loogu dayn lahaa inta Doorashadan Soo socota la qabanayo.

 

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax ayaa shalay Galinkii hore kulan gaar ah oo qarsoodi ah la yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Yuusuf Qodax, kulankaasi oo la sheegay inuu qayb ka yahay dadaal ay Labadan Gudoomiye ugu jiraan sidii ay marka hore Xisbiga UCID oo isagu meel dhexe jooga ay uga dhaadhicin lahaayeen sidii ay uga soo tanaasuli lahaayeen mawqifkii ay ka qaateen Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Fadhigii u dambeeyay ee ay Saddex Xisbi ka yeesheen kaasi oo uu Xisbiga UCID dalbaday in Komishankan sidaasi lagu daayo doorashadan soo socota  islamarkaana laba Xubnood uun loogu daro Xisbiyadda Mucaaridka ah, qorshahaasi oo uu mid ka duwan uu la yimid Xisbiga kale ee Mucaaridka ah ee WADDANI, Islamarkaana ay iyagu ku adkaysteen in Gabi ahaanba lakala diro Komishanka hadda jooga oo kuwo kale oo Cusub lasoo magacaabo, Arintaasi oo khilaaf abuurtay, islamarkaana sababtay in fadhigaasi lagu kala kaco, oo uu wada hadalkii burburo.

Gudoomiye Baashe Maxamed Faarax iyo Gudoomiye Saleebaan ayaa kulankan sida gaarka ah ay Shalay ula yeesheen Sarkaalkan ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa sida aanu xogtan ku helnay,waxay ay kala hadleen sidii ay Xisbiga UCID uga wada shaqayn lahaayeen sidii aragti midaysan iyo mawqif isku mid ah looga wada yeelan lahaa Qabsoomidda Doorashooyinka Wakiilada Iyo Deegaanka iyo sidii meesha looga saari lahaa ku kala aragti duwanaan shiyaha Arimaha Doorashooyinka iyo sidoo kale sidii looga heshiin lahaa Khilaaf taagan, waxaanay u muuqataa inay Sarkaalkan oo aad uga agdhaw Gudoomiyaha Xisbiga UCID ay ka doonayaan inuu Gudoomiyahiisa kula noqday islamarkaana uu kasoo dhaadhiciyo in khilaafka iyo muranka Jooga geed la iskaga tiiriyo, islamarkaana danta caamka ah laga wada shaqeeyo, iyo sidii wakhti ku haboon loogu cayimi lahaa Qabsoomida Doorashada Goleyaasha Muddo dhaafay.

Dhinaca kale Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa isagu mawqifkiisa ku adag, islamarkaana xal u arka in Komishanka hadda jira lakala diro oo kuwa kale lasoo magacaabo.

Source:- Foore

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews