Haweeney Sucuudiyad Ah Oo Canada Magangalyo Weydiisatay Iyo Sababta Ku Kaliftay
January 11, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Haweeney Sucuudiga u dhalatay oo qoyskeeda isaga soo carartay kuna xayirantay gagida diyaaradaha ee Bangkok ayaa haatan waxa ay u duulaysaa dalka Canada si ay magangalyo halkaas u waydiisato, waxaa sidaasi sheegay saraakiisha Thailand.
Raxaf Maxamed al-Qunun, oo ah 18-jir ayaa Isniintii diidday inay raacdo diyaarad ka kicitimi laheyd Bangkok oo tegi laheyd Kuwayt, waxa ayna isku soo xidhay qol ay ka deganayd hoteel ku yaal garoonka diyaaradaha oo u kiraysnaa.
Waxa ay sheegtay inay isaga baxday diinta Islaamka, taas oo ciqaabteeda gudaha Sucuudi Carabiya ay tahay dil.