berberatoday.com
Nin Udhashay Dalka Taiwan Oo Ganaax Ku Mutaystay Bisad Uu Kartoon Ku Xidhxidhay Meel Boos Ahna Ku Riday
January 12, 2019 - Written by Berbera Today
The cat sent by post
Shaqaale ku sugan goob lagu xanaaneeyo xayawaanka oo ku taal magaalada New Taipei ayaa waxa ay ka argagaxeen markii ay ogaadeen in bisadan lagu soo dhoofiyay boostada

Nin ayaa waxa uu ganaax gudaha Taiwan ugu mutaystay inuu bisad uusan doonayn uu ku diray adeega boostada degdega ah, sidaas ayaa la soo tabiyay.

Sida lagu sheegay barta internetka ee wararka ee UDN, nin 33-jir ah oo lagu magacaabo Yang ayaa todobaadkan waxaa lagu ganaaxay NT$60,000 taas oo u dhiganta ($1,952); ama giniga Istarliinka (£1,522), taas oo uu ku mutaystay markii uu ku xadgudbay sharciga ilaaliya xuquuqda xayawaannada ee Taiwan, kaddib markii uu bisad intuu ku xirxiray kartoon boostada dhigay kuna hagaajiyay goob yar oo xayawaanka lagu xanaaneeyo oo ku taal degmada Banciao.

Sidoo kale waxaa lagu ganaaxay lacag kale oo dheeraad ah oo dhan NT$30,000 taas oo loo saaray inuu ku xadgudbay sharciga ka ilaalinta iyo ka xakameynta xayawaanta cudurrada dilaaga ah, sababtoo ah shaqaalaha ku sugan xarunta xanaanada xoolaha ayaa ayaa sheegaya in bisadda aanan laga tallaalin cudurka raabiyada.

Xafiiska baaritaanka caafimaadka iyo ilaalinta xawaannada ee magaalada New Taipei ayey u suuragashay inay xogta qofka bisadda ku soo diray boostada ka helaan adeegga boostada ee degdega ah iyo kaamerooyinka ammaanka lagula socdo ee booliska, kaddibna ay bilaabeen baaritaan arrintaasi ku aaddan.

Markaa kaddib ayaa waxa ay la xiriireen Mr Yang, kaas oo sheegay inuu isku dayayay inuu bisadda iska fogeeyo sababtoo ah waqti uma uusan heli karin. Waxa uu intaasi ku daray bisaddu aanay carbiyaysmayn oo ay lugta ka dhaawacday, wixii markaa ka dambeeyayna aanay xaaladeeda soo hagaagayn.

The cat receiving a health checkMas’uuliyiinta ilaaliya xuquuqda xayawaannada ayaa sheegaya in caafimaadka bisadda uu wanaagsan yahay, baaritaan dheerad ah kaddibna qof la siin doono

Madaxa hay’adda ilaalisa xayawaannada, Chen Yuan-chuan, ayaa waxa uu cambaareeyay dhacdadaas, waxa uuna sheegay: “Xayawaanka ayaa ku dhegi karta haddii lagu rido kartoon aanay hawo ku filan ku jirin, biyo nadiif ah haddii uusan helin sidaasoo kale wareer ayaa ku imanaya.”

Waxa uu dadka ugu baaqay inay maraan wadada saxda ah ee sharcigu uu ogol yahay waa markii ay go’aan ku gaaraan in ay isdhaafiyaan xayawaankii ay haysteen, oo waxa ay la xiriiri karaan xafiisyada dowladda ama goobaha xayawaanka lagu xanaaneeyo, goobahaas oo xaqiijin doona in xayawaanka la siiyo cunno nafaqa leh sidoo kalana la talaalo.

 

 

BBC-Somali.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews