Xukumada Somaliland Oo Si Rasmi Uga Hadashay Saldhig Ay Siineyso UK
January 12, 2019 - Written by admin
London(Berberatoday.com)- Somalilanad ayaa xaqiijiysay in UK ay dooneyso, ayadana ay diyaar u yahay inay saldhig milatari siiso magaalada Berbera, waxayna sheegtay inay diyaar u tahay inay dalal kale casuumto.
Axmed Xasan Cigaal oo ah wakiilka Somaliland ee Itoobiya, ayaa wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu u sheegay in wada-shaqeyn milatari iyo saldhig UK oo laga sameeyo Bebera, ay ahaayeen arrimihii looga hadlay kulankii wasiirka difaaca UK, Gavin Williamson uu Hargeysa kula yeeshay madaxda Somaliland, toddobaadkii tagey.