Askar Itoobiyaan Ah Oo Ku Dhintay Shil Diyaaraddeed
February 10, 2019 - Written by admin
Khartuum(Berberatoday.com)-Saddex Askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee nabad ilaalinta u jooga dalka Koonfur Suudaan ayaa ku dhintay shil diyaaraddeed oo ka dhacay gudaha xeryo UN-ku leeyihiin.
Shilkan ayaa ka dhacay xero ku taala Abyei oo ku yaala xadka kala qeybiya dalalka Suudaan iyo Koonfurta Sudan, lamana sheegin ilaa iyo hadda sababta keentay bur burka diyaarada.
Itoobiya waxaa Dalka Koofur Suudaan ka jooga 4,500 Askari, kuwaas oo qeyb ka ah howl-galka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee UNISFA ee ku sugan Gobolka Saliidda qaniga ku ah ee Abyey.