berberatoday.com
Itoobiya Miyey Ka Noqotay Saamigii Ay Ku Lahayd Dekeda Berbera?
February 10, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka horumarinta Maaliyadda ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa soo bandhigay faahfaahino hor leh oo ku saabsan heshiiska Saddex Geesoodka ahaa ee u dhexeeyay Imaaraadka, Itoobiya iyo Somaliland ee dekedda Berbera iyo kan u dhexeeyay Somaliland iyo Imaaraadka ee Saldhigga Militari ee Berbera.

Wasiir Sacad Cali Shire ayaa si cad u sheegay in heshiiska dekedda Berbera u dhexeeyo Somaliland iyo Imaaraadka, islamarkaana shirkadda DP World Berbera ee dekedda Maamusha ay ku salaysan tahay saami laba geesood ah oo u dhexeeya Imaaraadka iyo Somaliland, islamar ahaantaana guddida maamulka ee labada dal shirkoodii u horeeyay ku yeelatay Imaaraadka.

Dr Sacad oo qayb ka ahaa  barmaamij dhaqaalaha lagu falanqaynayay oo telefishanka Universal qabtay ayaa isaga oo ka jawaabaya dood ah in madmadow ku jiro maamulka dekedda Berbera, islamarkaana aanay muuqan shirkad la wada leeyahay waxa uu sheegay in shirkad ay wada leeyihiin Somaliland iyo Imaaraadku gacanta ku hayso dekedda waxaanu yidhi

“Horta runtii madmadow kuma jiro waa laga yaaba dadka qaar in aanay waadax u ahayn waan rumaysanaya haddii qofku yidha wax baa iigu dhiman laakiin, shirkadda weynu samaynay, shirkadda waxa la yidhaa Dp World Berbera waxay ka diwaan gashan tahay Somaliland, shirkadda 35% waxa leh Somaliland 65% waxa leh Dp World boodhka(Guddida) waxa inoogu jira saddex qof kulankoodii u horeeyay bishan todobadeedii ayay ku galeen Dubay, marka waa shirkad xisaabteediina waa la hayaa marka si fiican bay inoogu socota oo madmadow kuma jiro.”

Ka qayb galeyaasha barmaamijka oo tixraacaya saamiga wasiirka ayaa xasuusiyay in Somaliland leedahay 30%, Itoobiya leedahay 19%, Imaaraadkuna leeyahay 51% sida heshiiska dambe dhigayay haddii aan laga noqon laakiin, wasiir Sacad ayaa ku adkaystay in ilaa hadda Somaliland iyo Imaaraadka oo kaliya leeyihiin maamulka dekedda “Saamiga waa run weynu ku heshiinay Itoobiya in aynu siino 5% qolada kalena (Imaaraadka) 14% laga jaro laakiin, kaasi waa nidaam socda weli shirkaddii labadeena uun baa leh inaga iyo Dubay,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Sacad.

 

Wargeyska The Reporter dalka Itoobiya ayaa bishii May ee 2018 baahiyay in dawladda Itoobiya doonayso in ay isticmaasho dekedda Berbera 30%, halka ay 10% u qoondaysay dekedda Port Sudan ee dalka Sudan iyada oo la filayo in 60% kale ay isticmaalayso dekedda Jabuuti oo ay hore u isticmaali jirtay 95%. Waxa ay arrintaasi ka dambeysay markii ra’isal wasaaraha cusub ee Itoobiya Dr Abiy Axmed wada hadallo la galay dekedo dhawr ah oo gobolka ah.

 

Hadalka Dr Sacad Cali Shire ayaa u muuqda mid taageeraya doodaha ku saabsan in dawladda Itoobiya ka maarantay saamigeeda dekedda Berbera. Dadka siyaasadda Geeska Afrika falanqeeya ayaa u arka in Itoobiya oo iska dhawraysa khilaaf soo kala dhexgala Soomaaliya ay xoogga saarayso dekedaha Ereteriya in ay isticmaasho iyada oo dhawaan dawladda Talyaanigu sheegtay in ay ka taageerayso dhismaha jid tareen oo isku xidha dekedda Casab ee Ereteriya iyo Addis Ababa taas oo gogol xaadh u ah qorshaha Itoobiya ugu wareegayso dekeddaha Ereteriya iyada oo wali xoog ugu tiirsan dekedda Jabuuti.

 

Geesta kale Dr Sacad Cali Shire waxa uu sheegay in aanay Somaliland kiro ka qaadan saldhigga Militari ee Imaaraadka laga siiyay Berbera, sidoo kalena la qadimay kiradii dekedda Berbera laakiin, ma sheegin inta sanno ee la qadimay iyo in xukuumaddii Siilaanyo qaadatay iyo in tan Biixi qaadatay.

 

“Horta way ku jirta. Waxay ku jirta kirada aynu ka qaadano dekeddu kirada aynu ka qaadano hantida ma guurtada ah. Sanad walba dekedda waxaynu ka qaadana kiro shan milyan dollar ah, dekedda DP World maynaan siin waxaynu siinay shaqada inaga iska leh dhulka waynu ka kiraynay sanad walba 5 milyan ayaynu ka qaadana waxaanay ku jirta halka kirada laakiin, sanadkan kuma jirto oo hore ayaynu u qaadanay .

 

Arrinta Saldhigga, saldhigga isaga kiro kama qaadano, kiro maaddaama aynaan ka qaadan kuma jiro kirooyinka, Saldhigga heshiiska aynu kula galnay Imaaraadka waxa weeye in ay inoo dhisaan waddo Berbera ilaa Wajaale ah iyo in ay inoo dhisaan madaar ay inoogu bedelayaan kii aynu siinay kiro kama qaadano, marka qandaraaskii Waddana sanadkan ayaa la bixinaya oo la bilaabaya,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews