berberatoday.com
Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo Imtixaan Ka Qaadaysa Culimada Cilaajyada Dalka!
February 10, 2019 - Written by admin

“Markaannu Hubinno Wadaaddada Aqoontooda Diineed, Waxaannu Wasaaradda Caafimaadka Kala shaqayn doonnaa xal u helidda arrimaha caafimaadka khuseeya..” Agaasimaha guud Ee Wasaaradda Diinta Aadan Cabdillaahi Cabdalla

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay imtixaan ka qaadaysa Cilaajyada ka hawlgala guud ahaan dalka Somaliland, gaar ahaan caasimadda Hargeysa kuwa ku yaalla oo wejiga koowaad noqon doona, si loo hubiyo goobaha aqoon diineed ahaan iyo tayo ahaanba ku habboon in dad lagu dabiibo iyo kuwa aan u qalmin.

Masuuliyiinta wasaaradda oo dhawaanahan ku mashquulsanaa dardar-gelinta hawlaha shaqo ee wasaaradda iyo horumarinta adeegyada diineed ee ay Somaliland u hayaan, ayaa dhawaan bilaabaya in imtixaan laga qaado Wadaaddada ka hawlgala goobaha dabiibka diiniga ah ee Cilaajyada, kuwaas oo la hubin doono aqoontooda diimeed, si loo helo cilaajyo la sugay tayada dadka haysta.

Wasaaradda diintu imtixaanka ka dib waxay wada-jir uga shaqayn doonaan wasaaradda horumarinta caafimaadka tayada goobaha cilaajyada adeegyada caafimaad ee kale ku dara dabiibkooda diiniga ah, maaddaama nolosha dad caafimaad-doon ah lagu aamminayo, sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaraddu.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla, ayaa sheegay ujeedka arrintan imtixaanka loo samaynayo iyo tallaabada xigi doonta, waxaanu qoraal kooban ku yidhi; “Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, waxay imtixaan ka qaadi doontaa, isla markaana hubin doontaa aqoontooda Diineed wadaaddada Cilaajyada ka shaqaysta.”

“Arrintaas waxa lagu go’aamiyey shir ay Masuuliyiinta wasaaraddu maanta u qabatay madaxda cilaajyada magaalada Hargeysa. Sidoo kale, marka aannu hubinno aqoontooda Diineed waxaannu wasaaradda horumarinta caafimaadka kala shaqayn doonnaa xal u helidda arrimaha caafimaadka khuseeya ee cilaajyadu qabtaan.” Sidaa ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda Diintu.

Kulanka go’aankaas la iskula qaatay, ayaa daba-socday kulammo hore eeoo madaxda wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland la yeesheen qaar ka tirsan culimada madaxda ka ah cilaajyada hargeysa oo sidan oo kale arrintan loogala hadlay, waxaana cilaajyada oo marba marka ka dambaysa sii badanaya la aqoonsan doonaa inta shuruudaha xukuumaddu uga baahantay buuxiya.

Tallaabada imtixaanka lagaga qaadayo cilaajyada, waxa ka horreeyey oo ay wasaaraddu bilawday 24-ka bishii koowaad ee sannadkan 2019-ka diiwaangelinta maddarasadaha Qur’aanka kariimka ah lagu dhigo iyo jimciyadaha ay ku midoobeen maddarasadaha qaarkood.

Diiwaangelintaas oo aad loo soo dhaweeyey, ayaa noqotay markii koowaad ee intii ay Somaliland jirtay wasaaraddu ku dhiirrato ama fuliso, iyada oo hadda la diiwaangeliyey illaa saddex boqol oo maddarasadood oo Hargeysa ku yaalla, welina ay socoto diiwaangelinta, oo wejiga labaadna u gudbi doonta gobollada iyo degmooyinka kale ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Imtixaanka ay wasaaraddu ka qaadayso wadaaddada cilaajyada, ayaa iyaduna ah mid muhiimaddeeda leh.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews