berberatoday.com
Xabsi Ku Qiyaasan 150 Sano Ayay Maxakamadi Ku Xukuntay Nin Ku Laayey Masjid Dad Ku Cibaadeysanayey Dalka Canada
February 10, 2019 - Written by Berbera Today

Canad(Berberatoday.com)-Maxakamad ku taalla dalka Canada ayaa xukun ku riday Nin u dhashay wadankaas, ninkan ayaa sanadkii 2017 kii ku laayey dad muslim ah oo ku cibaadeysanayey masaajid ku yaalla magaalada Quebec.

Alexandre Bissonnette oo 29 jir ah ayaa lagu xukumay xabsi daa’in, waxaana ay maxakamadu raacisay xukunkaa in ay suuragal tahay in xukunkaa mudadiisa afartan sano wixii ka danbeeya damaanad lagu soo dayn karo dil geystaha.

Xukunka lagu riday ayaa ah mid ku qiyaasan 150 sano oo xabsi ah, kaas oo noqonaya xukunkii ugu adkaa ee laga fuliyo dalkaasi Canada.

Markii ay xukunka ridayeen madaxda maxkamadda ugu sareysa ee dalkaasu ayay sheegeen “in aanay ciqaabtanu noqon mid aargoosi ku saleysan”, Laakiin Dad badan oo ka mid ah dadkii ka badbaaday weerarka ayaa ka cadhoodey sida uu xukunka u dhacay, iyagoo doonayey in ninkan dil lagu xukumo.

Ninkan ayaa qirtay in weerarkii masaajidka uu ku dilay Khaled Belkacemi oo ahaa 60 jir, Azzedine Soufiane oo ahaa 57 jir, Abdelkrim Hassane oo ahaa 41 jir, Mamadou Tanou Barry oo ahaa 42 jir, Aboubaker Thabti oo ahaa 44 jir, iyo Ibrahima Barry oo ahaa 39 jir, kuwaas oo ahaa dhamaantood dadkii ku cibaadeysanayey Masjidka.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews