berberatoday.com
Sadexdii Wasiir Ee Xamar Iska Dhiibay Oo La Sheegay Tagistooda Inay Sabab u Ahayd Warqadii Sirta Ahayd Ee Sirdoonka Somaliya Ka Soo Baxday Oo Saamayn Ku Yeelatay Iyo Qaar Ay Toos u Iftiimisay Oo Cabsi Badani Ku Jirto.
February 14, 2019 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Warar xogogaala ayaa sheegaya in sadexdii wasiir ee maalmo ka hor u goostay dhankaa muqdisho ay ahaayeen kuwo dawlada taagta daran ee somaliya halkan uga hawlgali jiray islamarkaana ay warqadii sirta ahayd ee ka soo baxday sirdoonka somaliya ay ku kaliftay inay dalka degdeg uga baxaan, kadib markii ay warqadaasi ku abuurtay cabsi badan, maadaama ay qayb ka ahaayeen dadkii ay khusaysay, halka xubno kale ay wali ku sugan yihiin dalka gudihiisa sida ay sheegayaan wararka arimahaasi u dhuun daloola.

Xogaha aanu helayno ayaa sheegaya in sadexdan wasiir oo iyagu hore uga tirsanaa xukuumadii madaxwayne silanyo ay mudooyinkii danbe oo dhan ay dawlada farmajo uga shaqaynayeen, sidii shacbiga reer somaliland loo kala qaybin lahaa oo ay ugu qancin lahaayeen wax loogu yeedhay midnimada somaliya.

Marka la leeyahay midnimada somaliya, xeeladaha ay adeegsanayeen ee loogu talagalay inay ku hawlgalaan ayaa ahaa inay gobolada somaliland qaar ka mida ka sameeyaan khalkhal iyagoo isticmaalayay lacago xad-dhaaf ah oo uga imanayay halkaa ay u adeegayeen.

Waxa la sheegay in ay yoolkooda cayiman uu kaw ka ahaa in gobolka awdal ay ka sameeyaan kacdoon shacbi iyagoo adeegsanaya dhalinyarada oo ay rabeen inay lacago ku isticmaalan, balse waxa kashiftay oo arimaha iyo shirqooladii ay rabeen inay qarankan u hadoodilaan fashilisay warqadaas ay bayrta ka qaadeen islamarkaana keentay inay sida degdeg ah uga baxaan dalka, maadaamo arimahii ay ku hawlanayeen ay daaha ka fayday, inkastoo ay jiraan xubno xisbiyada qaranka ka mida oo iyaga laftooda koodhka warqadaasi ku qornaa ay iftiiminayso kuwaas oo la sheegay inay iyaga laftoodu cabsi badani la soo daristay fiiro gaarana loo leeyahay.

Sadexdan wasiir ayaa iyagu hawlaha ay u qaybsanayeen la sheegay inay ahayd sidii beelaha dhexe ee somaliland ay khilaaf iyo isku dhac u dhex dhigi lahaayeen iyagoo sida la sheegay dadka ku wacyigalin jiray wax loogu yeedho somaliland la wada leeyahay ma jirton iyo cid gaara ayaa dalkii maalaysa oo awoodii isku koobtay taasi oo u ahayd halku dhigyada ay furaha uga dhigi jireen hadba cidii ay haleelaan.

Haatan oo sadexdan wasiir ee xukuumada farmaaje uga hawlgali jiray somaliland ay ku sugan yihiin magaalada muqdisho ayaa lagu soo waramayaa inay tahay sababta dhabta ah ee ay halkaa u tageen inay ahayd helista warqadii sirta ahayd oo hawlahoodii faashil ku riday.

Warqadaas oo sirdoonka somaliya sida ay uga soo baxday ay ilaa iyo haatan baadhis ku wadaan haayada NISSA ee sirdoonka somaliya dhexdeeda iyadoo ay arinta warqadaa sirta ahi dhexdooda dareeno badan ka dhalisay islamarkaana ay tahay mida sadexdaa wasiir xamar gaysay.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews