berberatoday.com
“Madaxweyne Boqol Baa Ka Dhimman Tayda”Waa Qiso Runa Oo Dhacday Iyo Xildhibaan Mooshin Quute Ah Oo Ka Sheekeeyay W/Q Yassin Ismail
February 17, 2019 - Written by Berbera Today

MADAXWEYNE BOQOL BAA KA DHIMAN!

Sheeko Kale.

Waa sheeko uu iiga sheekeeyay nin xildhibaan golaha wakiilada ah oo qirsan inuu Motion quute yahau laakiin si kale fariid u ah indho adag u dhashay oo xigmad badan.

Magaciisa ma sheegaayo, laakiin wuxuu iiga sheekeeyay in beri Siilaanyo u yeedhay isaga iyo xildhibaano kale oo garabka kulmiye ah halkaas oo lacag bushqado ku jirta loogu qaybinaayay xildhibaanada si motion ay xukuumadu soo dhigayso golaha beri duuduub loogu ansixiyo.
Waxan arkay buu yidhi in aanan waxba ka qaban karin arinta oo codku si fiican u iibsamay.
Wuxuu yidhi Bushqadihii baa nin Wasiir ahi noo qaybiyay isagoo madaxweynuhuna nala hadlaayo.
Macnaha qaybinta bushqadaha iyo dardaaranka madaxweynuha ee ku saabsan hawsha motion ka sida laga yeelaayo isku mar bay dhacaysay.
Qof waliba buqshadiisii buu kilinkilada gashaday oo hadalkii madaxweynaha ayuu dhegaha u raariciyay.
Anigu laakiin wuxuu yidhi hadalka Ma dhegaysane bushqadii intaan furay baan lacagtii tirin ula dhaqaaqay, kow laba sadex…. iyadoo aan dareensiinaayo inaan lacagta tirsanaayo.
Wuxuu yidhi lacagtii waxaa iga dhinaaday $100.
Wuxuu yidhi tiradii baan ku noqday iyagoo xildhibaanada kale igu leh Waar xishood dee maxaad ka tirinaysaa waxa iyo hadalada kale.
Umaan jawaabine tirintii baan isla watay mise $100 baa dhiman.

Dabeedna waxan ku soo jeestay buu yidhi madaxweynihii oo hadlaaya waxaanan ku idhi Madaxweyne Tayda boqol baa dhiman e bal tiri.

Waa la qoslay buu yidhi. Laakiin Wasiirkii bushqadaha qaybinaayay baa yidhi Waar Waa laguugu dari e dhegayso hadalka madaxweynaha.
Calaa ayi xaaja wuxuu yidhi 100 kii Waa la iigu daray laakiin markay hawshii noo dhamaatay baa canaan badani igu dhacday oo xildhibaanadii duuduudka bushqada ku qaatay baa yidhi iimaanka lagaa qaadiye maxaad sidaa u samaysay.

Waxaan ku idhi buu yidhi oo horta Ma marka horeba miyaynu iimaan qabnay? Maxaa Iimaan la inaga qaadi?
Waa laaluush oo Waa xaaraane Ma XAARAAN BOQOL KA DHIMANYIIN BAAD RABTAA IN LA II CADAABO aakhiro nacas!

Kkkkkk

Yassin Ismail
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews