berberatoday.com
Madaxwaynihii Hore Ee Dawklada Xamar Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Khilaafka Siyaasadeed Ee Kenya Iyo Somaliya Ka Dhex Qarxay
February 18, 2019 - Written by admin

Muqdisho(Berberatoday.com)-Madaxwaynihii Hore ee Soomaaliya  Xasan Sheekh oo ah hoggaamiyaha Xisbiga UPD ayaa soo dhoweynayay mowqifka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee ka jawaabida cabashada Kenya, isagoo adkeeyay in Soomaaliya xaq u leedahay gacan ku heynta, ka talinta iyo go’aan ka gaarista sugnaanta xuduudaheeda iyo kheyraadka ku jira.

“Iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay weli sugayaan in sharaxaad dhameystiran oo ay ku qancaan laga siiyo xogaha dhabta ah ee ku saabsan arrimaha Sahminta shidaalka waxaan Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya usoo jeedinayaa in ay shacabka Soomaaliyeed la wadaagto xaraashkii London 7-dii Feb ka dhacay ee shidaalka ku duugan baddaha dalkeena”ayuu ku yidhi Xasan Sheekh.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la muujiyo siyaasad ku saleysan deris wanaag, nabad iyo xasillooni ku noolaasho dalalka deriska ah, iyadoo la eegayo xidhiidhka dhaqan iyo dhaqaale ee ka dhaxeeya shacabka Kenya iyo Soomaaliya

“Waxaan ku baaqayaa in xaaladda diblomaasiyadeed ee hadda taagan la dejiyo, lagana warsugo Maxkamadda Caalamiga ee dacwadu hortaallo” ayuu yidhi

Dowladdii uu hoggaaminayay Xasan Sheekh ayaa lagu xusuustaa dadaalkii ay gelisay dacwada taalla Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ, isla markaana Soomaaliya guulo ka gaartay go’aanadii Maxkamadda ka soo baxay horaantii sanadkii 2017.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews