berberatoday.com
Taariikhda Iyo Xogta Muranka 10 Sano Jirsaday Ee Badda Somaliya Iyo Kenya
February 18, 2019 - Written by admin

Nairobi(Berberatoday.com)-Muranka Kenya iyo Soomaaliya ee xadka badda waxaa uu haatan socdaa ku dhawaad 10 sano, wuxuuna ku saleysan yahay sida loo cabbirayo xadka badweynta Hindiya ee labada dhinac.

Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dharariyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo.

Baaxadda ay ku fadhido badda lagu muransan yahay waxaa uu gaadhayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah.

Haddaba halkan ka akhriso taariikhda muranka badda Kenya iyo Soomaaliya:

April 7, 2009:- Dowladdii Kumeel Gaadhka ahayd ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya ayaa kala saxeexday heshiis Isfahan ah oo la xidhiidhay xadka badda ee labada dhinac.

Heshiiskaasi waxaa dinaca Soomaaliya u saxeexay Cabdiraxman Cabdishakur, oo xilligaasi ahaa wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah.

Dhanka Kenya waxaa u saxeexay Moses Wetangula, oo markaasi ahaa wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya.

Heshiiskaas kuma jirin arrinta la xidhiidha xadka badda, balse wuxuu dhigayay hanaankii loo mari lahaa in lagu xalliyo khilaafka xadka badda ee laba dal u dhexeeya.

August 1, 2009:- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood dheer ka dib, aqlabiyad ballaadhan ugu codeeyay in la laalo heshiiska isafgaradka ahaa ee dhex maray Soomaaliya iyo Kenya.

Kulan aan caadiga ahayn oo ay yeesheen ayay Baaramaanka gebi ahaanba ku diideen in xitaa doodad ku saabsan arrintan dib loo dhigo, oo wasiirka arrintan khuseyso la siiyo fursad oo ku faahfaahiyo heshiiska.

July 13, 2015:- Sannad ka dib markii ay ku war galisay maxkamadda iney dacwad u soo waddo, Soomaaliya ayaa rasmi ahaan kiiska badda u geysay maxkamadda cadaaladda caalamiga ah ee ICJ.

Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali ayaa xilligaasi sheegay in arrintan ay go’aankeeda gaadhi karto oo keliya maxkamaddaasi, halka Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya ee xilligaasi Githu Muigai uu isagana uu sheegay in Soomaaliya ayna xaq u lahayn in kiiskan ay geyso maxkamaddaas.

December 18, 2017:- Kenya ayaa xareysay jawaabta ay ka bixineysay kiiska ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya wuxuu ku dooday in maxkamadda ayna xaq u lahayn inay go’aan ka gaadho kiiskan. Wuxuu codsaday in arrintan ay labada dal ku xalliyaan wadahadal.

Soomaaliya ayaa iyaduna dhankeeda bixisay jawaabteeda ku aaddan codsigii Kenya ay maxkamadda uga dalbatay in arrintan dibedda maxkamadda lagu xalliyo.

Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa ku adkeystay in Soomaaliya ay u aragto in maxkamadda ay tahay goobta keliya ee lagu kala bixi karo. Waxayna xukuumaddiisa diidday dooddii Kenya ee ahayd in labada dhinac ay gaadheen heshiis Isfahan oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah, kaas oo ay tahay in Soomaaliya ay xushmeyso.

Soomaaliya aya ku doodday in heshiiskaasi aanu sharci ahayn maadaamma uu diiday baarlamaankii Soomaaliya ee xilligaas.

Feb 02, 2018:- Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaadhay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya.

Hase ahaatee, maxkamaddu weli ma ayna qaban taariikhda la dhegeysan doono dacwadda.

Feb 07, 2019:- Soomaaliya ayaa waxay London ku qabatay shir ay ku sheegtay inuu suuq-geyn u ahaa shidaalka Soomaaliya.

Wasiirka betroolka ee Soomaaliya, Cabdirashid Maxamad Axmed, ayaa sheegay in goobaha sahminta laga sameeyay ay ku jirto qeybta badweynta Hindiya ee Kenya iyo Soomaaliya ay ku muransan yihiin, isagoo sheegay in Soomaaliya ay leedahay go’aanka la xidhiidha arrintaasi, inta ay maxkamadda cadaaladda caalamiga ee ICJ ay ka soo saareyso go’aankeeda ku aadan murankaasi.

Feb 16, 2019:- Kenya waxay la soo noqotay safiirkeedii Soomaaliya, waxayna ka codsatay safiirka Soomaaliya ee Kenya inuu dalkiisa ku laabto.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya ayaa sheegtay in shirkii shidaalka Soomaaliya ee London lagu xaraashay “hantida shacabka reer Kenya,” taas oo ay sheegeen inay tahay tallaabo aan loo dulqaadan karin.

Manta oo ah 17-ka bisha February, 2019-ka, Danjiraha Soomaaliya ee ku sugnaa Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, iyadoo hadda ay jiraan shirar arrintan looga hadlayo oo ka socda madaxtooyada Soomaaliya.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews