berberatoday.com
Abaabulka Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Oo Caasimada Hargeysa Oo Kaliya Ka Socda Iyo Xubnihii Gobolada Iyo Degmooyinka Dalka Laga Dul Guuray
February 19, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbil Xaakimka Kulmiye oo sideedii sanadood ee Udanbeeyay Dalka Somaliland Hogaaminaayay islamarkaana talada hayay ayaa waxa 23 ilaa 24 bishan uu Xarunta Gobolka Awdal Ku Qabsanaya shirkii 6aad ee golaha dhexe ilaa hadana ma jirto abaabul shirkaas ku saabsan oo ka socda Gobolada iyo degmooyinka Dalka mraka laga Reebo Magaalada Hargeysa ee Caasimada ah oo dhaqdhaqaaqa shirkaas laga dareemayo xaruntii Guud ee Xisbigana kaadhadhkii shirkaas xubnaha golaha dhexe ku gali lahaayeen laga qaadanayo.

Xubnihii golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye kujiray ee Gobolada iyo Degmooyinka dalka Ku sugnaa ayaa walaac ka muujiyay qaabka shirkaas loo abaabulayo iyaga oo xogo aanu helay sheegayaan inaan haba yaraate xidhiidh lala samayn dad badan oo ku kala sugan Gobolada iyo degmooyinka dalka oo Golaha dhexe ee Xisbiga Kujiray islamarkaana aanay muuqan habkii loola xidhiidhi lahaa waxaana jiray inay gabi ahaanba xidhan yihiin Xafiisyadii Gobolada iyo Degmooyinka ee Xisbiga Kulmiye ilaa markii dorashada uu Madaxweyne Muuse Biixi Ku guulaystayna aan la furin oo qaarkood kirooyinkii loo haysto kuwo kalena agabkii yaalay xafiisyada loo haysto kiradii guryaha.

Xisbiga Kulmiye ee xukunka hayay mudadaas 8 sideeda sanadooda ayaad moodaa inay weli aan fahmin inuu Xisbil Xaakimkii dalka yayay waxaanu udhaqmayaa sidii uu udhaqmi jiray Xiligii uu ahaa Mucaaradka ma jiro abaabulkii gobolada iyo degmooyinka dalka ee shirkaas marka laga reebo boodhadh lagu dhajiyay shaaracyada gobolada dalka oo kaliya.

Sidoo kale waxa dhuici jirtay marka shirka golaha dhexe la qabanayo in xubanaha Golaha dhecxe ee xisbiga ee ku kala sugan Gobolada Iyo degmooyinka loo diri jiray kharshiyaad transportation ah oo ay kusoo safraan habay yaraatee hada maba jiro qorshahaasi waxaana cabashada ugu badani ka taagantahay Gobolada bariga Somaliland Sida Laascaanod Iyo Ceerigaabo.

 

Shirka golaha dhexe ee Xisbiga KLulmiye oo la mudeeyay 23 ilaa 24 bisha February inuu magaalada Borama ka qbsoomo ayaan la garan karin waxa ka soo bixi doona iyada oo siyaasiyiinta dumaasha Xisbigaas doonayaana olole ka wadaan magalaada hargeysa kuwaas uu kamid yahay Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Maxamiud Xaashi Cabdi oo fadhiga ka soo kiciyay Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilanyo oo ah asaasaha Xisbigaasi kulmiye.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews