berberatoday.com
Madaxwayne Trump Oo Qeylo Dhaan U Dirsaday Wadamada Yurub
February 19, 2019 - Written by admin

USA(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa UK iyo waddamada kale ee Yurub ee xiriirka kala dhaxeeyo u sheegay in dib ay ugu soo laabtaan dagaalka lagula jiro kooxda isku magacaawday Khilaafada Islaamka.

Trump ayaa waddamadaan ku booriyay in ay ka qeeyb qaataan dagaalkii ugu dambeeyay oo ay isku dayaan in ay meesha ka saaraan in kabadan 800 oo qof oo ka tirsan dagaalamyaasha ururka Daacish.

trump white h

Hadalkaan oo uu ku soo qoray bartiisa twitter-ka ayaa imanaya iyadoo xoogagga Kurdiyiinta ee uu taageero Mareykanka ay weerar culus ku qaadeen goobtii ugu dambeeysay ee ay IS ka arrimiso taas oo ku taallo soohdinta Suuriya ay Ciraaq la wadaagto.

Waxaana jiro dagaalamayaal ka tirsan IS ay gacanta ku dhigeen ciidamada ay Kurdiyiinta hor kacayaan.

Mr Trump ayaa maalmo ka hor sheegay in ururka Daacish ay haatan sii dhamaanayaan.

Hadalkiisa twitter-ka ayuu ku sheegay in Mareykanka uusan eegan Karin dagaalamayaasha IS oo ku dhex milmaya Yurub.

Waxa uuna sidoo kale sheegay in la joogo xilligii dalalka kale shaqadooda ay awoodaan qabsan lahaayeen.

Saraakiisha Maamulka Trump ayaa maalintii Axadda ahayd u sheegay wargeeyska Telegraph in ay ka cabsi qabaan in qaar ka mid ah dagaalamayaasha Daacish ee maxaabiista ah ay dalalka Yurub khal-khal geliyaan waa haddii aan cadaaladda la hor keenin.

Wararkii ugu dambeeyay ee weerarka lagu qaaday Daacish

Madaxweyne Trump ayaa jimcihii sheegay in 24-ka saac ee socota la soo sheegi doono in IS gabi ahaanba la baabi’iyay balse waxaa waqtigaasi ka soo wareegatay 24 saac ka badan ilaa haatanna waxa war ah oo ka soo yeeray ma jiro aqalka cad ee Mareeykanka looga arrimiyo.

Jiya Furat waa hogaamiyaha dagaalka lagu qaaday Baghuz oo ah goobta kaliya ee ay haystaan Daacish waxa uuna sheegayaa in IS ay isugu soo uruurtay masaafo gaareeysa 700 oo mitir.

Sources: BBC

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews