Agaasimaha Cibsitaalka Hargeysa Oo La Sheegay In Xilka Laga Qaadayo Iyo Masuulka Lagu Bedelayo
February 20, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Agaasimaha cisbitaalka Hargeysa Dr. Axmed Cumar Askar, ayaa la sheegay in la filayo in xilka laga qaado, iyadoo xilkiisa loo magacaabi doono masuul kale.
Warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Biixi uu toddobaadkan kulan la yeeshay agaasime Askar, oo uu ku wargeliyay in xilkiisa loo magacaabi doono Dr. Yaasiin Carab oo mar sii horaysay soo noqday agaasimaha cisbitaalkan, waxaana la sheegay in Madaxweyne Biixi uu Dr. Askar u sheegay inuu uga mahadcelinayo dedaalka uu geliyay cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.