berberatoday.com
“Dunida Kale Kolkay Wax Dhamaadaan Baa Loo Dabaal Degaa Laakiin Xageena Kolkaynu Dhagax Dhignaba Xaflad Baynu Samaysanaa. Malaha Inagu Wax Qabadkaba Waxaynu Unaqaan Dhagax Meel La Dhigo. Walee Wadad Berbera Iyo Wajaale War Baa Yaal”Aqoonyahan Jamal Cali Xuseen
February 28, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa faalo ka Bixiyay Dhagax dhiga Wadada Berbera Corridor ee Wajaale Iyo Berbera isaga oo aqoonyahanku sheegay in aduunyada la dabaal dago marka mashaariicdu dhamaadaan ee lagu najaxo halka Somaliland dhagax dhigyada mashaariic aan qaarkoo hirgalin xaflado heer sare ah loo sameeyo’

Qoraal uu aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Bartiisa Facebooka soo dhigay uu ku lafa gurayo arinka dhagax dhiga Mashruuca Berbera Coridor habdhaqanada caalamka ayaa waxa uu udhignaa sidan”

 

Horta wadadda Berbera Ilaa Wajaale (Berbera Corridor) ilaa 9 sanadood baa la hadal hayey. Runtiina aad bay muhiim tahay in la sameeyo. Dunida kale kolkay wax dhamaadaan baa loo dabaal degaa laakiin xageena kolkaynu dhagax dhignaba xaflad baynu samaysanaa. Malaha inagu wax qabadkaba waxaynu u naqaan kolkaa dhagax meel la soo dhigo. Waxay ka dhigan tahay adigoo xaflad sameystay kolkaad dherigii dabka saartay. Yeelkadeede, sownigii moodaayey inuu wasiirka Horumarinta Maaliyadu inagu yidhi dhawaan kol wax laga weydiiyey Saldhiga Milateriga ee Imaaraadku dhisayo ee Berbera in aanay wax kiro ah ka qaadanaynin oo badelkeeda dhami uu yahay in ay Imaaradku inoo dhisaan Wadadda Wajaale ilaa Berbera. Hadda isla wasiirka laftigiisa ayaa xiligii dhagax dhiga dekadda yidhi ” Itoobiya ayaa 19% leh Oo $80 million ee dollar qaybteeda ah waxay ku dhisaysaa wadadda Wajaale iyo Berbera. Hadda waagii dawladda Siilaanyo ee aan Dekadda Berbera intaan la bixina ka hor waxa lay noo sheegay in wadadda Berbera ilaa Wajaale ay inoo dhisi doonaan European Union. Horta dawladnimadda ma xafladayn baynu u haysanaa, mise shicibkaa waxqabad looga dhigaa? Cadceeda wax sacab qariyo way ka weyn tahay. Dadkan bilaa biyaha ah ee bilaa shaqadda ah ee mar walba canshuurihii cirka lagu geynayo, xafladdo indho sarcaad ah Ma qaadi karo. Kolkaa wadaddan Togwajaale ee noqotay Xaawa leh, yaa maalgelinaya? Marna Saldhiga ayaa lagu badeshay marna Itoobiya ayaa 19% ku maalgelinaysa ayaa hore laynoogu sheegaye; teebaa run ah. Madaxweynaha da’da yar DDS ee Itoobiya isagu soo dhaweyn iyo qadarin ayuu inaga mudan yahay ee aynu iska hubino uun inaan sawir lala galaynin. Walee Wajaale ilaa Berbera war baa yaala. Shacabku yaanay qiiro muxaafadnimo iyo mid mucaaradnimo ina qaadine wax badan baa ina horyaala mana xuma in suaalo lays weydiiyo. Allow sahal amuuraha.

 

 

 

Aqoonyahan Jamal Ali Hussein

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews