berberatoday.com
Ismaaciil Buubaa Oo Qatar Iyo Turkiga Ukala Dabqaadaya Iyo Ujeedada Socdaaladiisa Labadaa Dal Oo La Ogaaday Iyo War Uu Warbaahinta Turkiga Siiyay Oo Kashifay
March 9, 2019 - Written by admin

Istanbul(Berberatoday.com)-Ismaaciil Hure Buubaa oo todobaadyadii udanbeeyay ukala dabqaadayay Wadamada Qatar iyo Turkiga ayaa la sheegay inuu sadex maalmood ka hor ka dhoofay magaalada Doxa ee Dalka Qatar oo uu ku sugna mudo laba Todobaad halkaas oo la sheegay inuu kulamo kula qaatay Madaxda dalkaas qatar oo Si Mugle utaageera Dalka Somaliya iyo dawlada Xamar ee Madaxweyne Farmaajo hogaamiyo.

Ismaaciil Hure Buubaa oo katirsan Xisbiga Waddani ayaa lasheegay inuu mashruuc laysku dayayo in qaranimada Somaliland lagu Burburiyo waxyeelana loogu geysto uu kasoo qaatay dalalka Qatar iyo Turkiga oo Midawga Somaliya aad uga shaqeeya iyada oo la sheegay in Lacag badan oo shandado lagu cabeeyay looga raray siyaasiga Dalka Qatar isaga oo la galay Dalka Turkiga oo uu damacsanyahay inuu Somaliland kasoo galiyo sida ay sheegayaan xogo aanu helay anaga oo kamida jaaliyada Turkiga ee Somaliland.

Siyaasigan Ismaaciil Hure Buubaa oo Dawladihii hore ee Kumeel gaadhka ah ee Xamar kasoo qabtay Raysal Wasaare Kuxigeen iyo Wasiirka Arimaha Debeda ayaa caan ku ah mawqifka Somali Weyn uu aad aaminsanyahay ilaa intii uu Somaliland yimina mar kaliya lagama maqal inuu ka tanaasulay mawqifkiisii Somali weynimada ahaa dhawr jeer oo warbaahintu weydiisayna wuu ka warwareegay inuu jawaab cad ka bixiyo.

Ismaaciil Hure Buubaa aya waxa uu Somaliland kuyimi Cafis uu ufidiyay Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilanyo markaas oo la sheegay inuu Siyaasi Buuba Cafiskaa soo dalabaday isagoo sheegay inuu ka tanaausaly mawqifkiisii hore.

Sidoo waxa jiritaanka mashruucan uu soo qaatay Siyaasi Ismaaciil Hure Buuba Fashiliyay war uu Siiyay Warbaahinta Turkiga uu ku sheegay inay haboontahay inay Somaliya Iyo Somaliland danohooda umidoobaan waxaana kamid hadalada uu Warbaahinta Turkiga Ka Yidhi Ismaaciil Buubaa”Geeska Afrika wuxuu u baahan yahay, in Somaliland iyo Soomaaliya ay danahooda u midoobaan, si loo gaadho tallaabooyin waxtar leh”

Waxa Kaloo ay Warbaahinta dalka Turkigu daabbacday, in wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Prof. Ismaaciil Hurre Buubaa, uu soo jeediyay, in Turkigu uu dhexdhexaadiyo Somaliland iyo Soomaaliya.

Buubaa ayaa u sheegay warbaahinta Turkiga, in Turkigu Soomaaliya iyo Somalilandba uu ka caawin karo sidii ay khayraadkooda ula soo bixi lahaayeen ,

 

 

Qoraa Madax Banaan A/nasir Osmaan Farah

Ankara Turkey

Baxsane66@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews