berberatoday.com
Waa Sidee Xaalada Ciyaaryahankii Hore Ee Kooxda Arsenal Iyo Qaranka Ivory Coast Emmanuel Eboue, Yaase Lacagtii Uu Xirfada Kubada Ka Helay Ka Qaatay?
March 9, 2019 - Written by admin

London(Berberatoday.com)-Xiddigii hore ee xulka Ivory Coast iyo kooxda Arsenal , Emmanuel Eboue ayaa si rasmi ah u sheegay inuu noqday qof faqiirey oo wax dhaqaalo ah aan heysan, markii uu sheegay in xaaskiisii hore ay kala wareegtay dhammaan wixii hanti ahaa ee uu shaqaystay intii uu ciyaarayay kubadda cagta.

Isagoo xaaladdiisa sida ay isku badashay ka hadlaya wuxuu yiri “Xaaskeyga ayaa qaadatay dhammaan hantidaydii iyo xitaa gurigii aan ku noolayn oo ku yaala woqooyiga London, hal baarti ayaa ii haray oo alaab aysan oolin, xaqiiqdii layrka waan iska damiyaa marka aan joogo guriga si booliisku uusan u ogaan arinkeyga, waayo xaaskeyga ayaa yeelatay guriga waxayna doonaysaa inay kiraysato”.

“Mararka qaar ma garanayo meesha aan seexanayo caawa, ma joogi karo guriga waayo booliiska ayaa awood sharci iiga saaraya, mararka qaar guri uu leeyahay mid kamid ah asxaabta ayaan dhulka ka seexdaa, waayo wax badan ma haysto, mana lahan qolal kale iyo sariiro lagu seexdo…. Waxaan lahaa gawaari kala duwan, laakiin xaaskeygii hore ayaa wada qaadatay, maanta waxaan raacaa gawaarida dadwaynaha, inbadan waxaan ku qasbanaadaa inaan is qariyo, si dadku aysan ii aqoonsan oo aysan ii waydiin xaalkeyga”.

“Ma aanan helin tilmaamo igu filan, dhamaan arimaha dhaqaalaha waxaan u xilsaartay xaaskeyga, labo mar oo kaliya ayaan bangiga lacag u doontay, xitaa markii aan ku sugnaa Turkiga mushaarkeygu wuxuu ahaa 8 milyan oo euro sanadkii, 7 milyan iyada ayaan u soo diri jiray, warqad walba oo ay ii keento sida ay iyadu u rabto ayaan ugu buuxin jiray -Haatan xitaa qasaalad dharka lagu dhaqo ma haysto, maalin walba gacantayda ayaan dharka ku dhaqdaa, taasna waxaan uga mahadcelinayaa ayeeydeey dhimatay oo i bartay sidii aan u dhaqan lahaa dharkeyga, cuntada aan u karsan lahaa markii aan joogay Ivory Coast”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews