berberatoday.com
Baarlamaanka Dalka UK Oo Ansixiyey Xeer Ay U Ololaysey Gabadh Reer Somaliland Ahi
March 13, 2019 - Written by admin

London(Berberatoday.com)-Xeerka Carruurta oo Baarlamaanka Ingiriiska ansixiyey ayaa si weyn loogu amaanay kaalinta ay ka qaadatay u ololayntii wax-ka-beddelkiisa Gabadh asal ahaan ka soo jeeda Jamhuuriyada Somaliland.

Sida lagu baahiyey mareegta Baarlamaanka Ingiriiska Shalay, wax-ka-beddelka Xeerka Carruurta Ingiriiska oo hore loo ansixiyey sannadkii 1989-kii,  oo u ka hadlay Xildhibaan Zac Goldsmith ayaa u sheegay Baarlamaanka Ingiriiska inay sharaf u tahay inuu hadal-qoraalka fadhiga ku daro oo uu u mahadcelinayo Nimco Cali, oo si weyn ugu ololaysa joojinta gudniinka Gabdhaha, in badan oo xildhibaannada Ingiriisku aqoon u leeyahiin.

“Waa dadka ugu caansan u ololaynta cidhib-tirka Gudniinka Hablaha (FGM) ee Ingiriiska, maalmo horteedna waxay dhinac fadhiday  Raysal-wasaaraha Ingiriiska, xaqiiqdii waxay qadiyadan gaadhsiisay wadnaha Xukuumadda.”

Xildhibaan Goldsmith, oo ka tirsan xisbiga Muxaafidka Ingiriiska ayaa hadalkiisa sii raaciyey “Shaqada  Nimco  & guulaha ay ka gaadhay qadiyaddan ayaa dhaafsiisan dalkan. Waxay ku dhiirigelisay saddexdii musharrax ee doorashadii madaxtinimada Somaliland 2017 inay ballan-qaadaan hirgelinta xeer lagu joojiyo gudniinka hablaha, in badana waa u xog-ogaal inay ku dhowdahay ku guulaysigiisa.” Ayuu yidhi, isagoo raaciyey, “Madaxweyne Md Muuse Biixi markii la doortay, wuu ka dhabeeyey ballan-qaadkiisii, waxaana Xukuumaddiisu diyaarisay xeerkii xakamaynta gudniinka Gabdhaha.”

Xildhibaan Simon Hoare, ayaa sidoo kale amaanay awooddeeda qancinta iyo u  doodisteeda gabadhan ee arrimaha Gudniinka, isagoo yidhi, “Waan amaanayaa awooddeeda qancinta iyo u doodista, lagana yaabaa in fursad laga siiyo xil-siyaasadeed ee baarlamaanka (Whip office), masuul xisbi oo xildhibaanada ku kantaroola u raacitaanka siysaadaha xisbiga  ansixinta xeerarka Baarlamaanka.

Nimco Cali ayaa la filayaa in 26 bisha ay ka hadasho munaasibad shirweynaha  Xuquuqal-insaanka iyo Dimoqraadiyada oo lagu qaban doono dalka Switzerland, isla-markaana lagu guddoonsiiyo abaalmarin caalami ah.

Xusitaanka kaalinta Nimco Cali, oo dhalashada Ingiriiska haysata, balse asal ahaan ka soo jeedda Jamhuuriyada Somaliland ka qaadatay u ololeyntii  xeerka carruurta oo dalka Ingiriisku ku dhaqmi doono, ayaa sidoo kale noqonaya talaabo  magaca dalkeeda Somaliland ku gaadhsiisay dhegaha muwaadiniinta Ingiriiska iyo guud ahaan dadka Soomaalida ee ku nool Ingiriiska.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews