berberatoday.com
Ciidamada Qaranka Somaliland Ee Aaga Gobolka Sanaag Oo La Wareegay Gacan Kuhaynta Degmada Hadaaftimo Deegaano Kalena Ku Waajahan
March 14, 2019 - Written by admin

Sanaag(Berberatoday.com)-Wararka Warbaahinta Dalmar Media ay hada ka helayso degmada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in ciidamadii ugu badnaa ee Somaliland ay goor dhoweyd la wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi.

Dadka deegaankaas ku dhaqan ayaa iyaguna soo dhaweeyay Ciidamada qaranka Somaliland ee saaka ku waabariistay halkaas iyaga oo ku faraxsanaa in Maamulka Dawlada Somaliland soo gaadho oo mashaariic horumarineed laga filioyo deegaamadaas

Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa mar qudha lagu waabariistay degmada Hadaaftimo, waxaana ciidamadani ka tirsan Somaliland ay awood kula wareegeen deegaankaasi.

Dhanka kale ciidamadani ayaa la sheegay in qaybtood ay ku wajahan yihiin degmada Xingalool iyo qaybo kamid ah gobolkaasi Sanaag oo haatan ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Puntland iyo ka tirsan xukuumadda madaxweyne Denni oo iyaguna booqasho ku tagay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag kadib la wareegitaankii deegaanka Yubbe oo ciidamada Somaliland ay la wareegeen maalmo ka hor.

Xiisadaha u dhaxeeya dhinacyada Puntland iyo Somaliland ayaa sii xoogaysanayey muddooyinkii ugu dambeeyey, waxaana ciidamada Somaliland ay la wareegeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Sanaag.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews