berberatoday.com
Muxuu Ka Yidhi Gaalkii Argagixisada Ahaa Weerarka Iyo Dilka Uu Ugeystay Muslimiinta Masjidka Alnuur Ku Cibaadaysanaayay?
March 15, 2019 - Written by admin

Werarka argagixisada ah ee lagu soo qaaday masaajidada ku yaal New Zealand waxaa ku naf waayay dad gaadhaya 40 qof.

Haddaba nin lagu magacabo Brenton Tarrant, oo u dhashay dalka Austeralia oo loo tuhunsan yahay in uu ka mid yahay dadka qaaday weeraradan, oo si toos ah u tebinayay markii uu kugu guda jiray hawl-galka bahalnimo, ee argagaxa iyo cabsida dheliyay ayaa internet ku baahiyay qoraal 73 bogg ah oo uu kaga hadlaayo sababaha uu u qaaday weerarkan. 
——————–—————————————
Wuxuu sheegay sababta weerarkan u qaaday “Waxaan rabaa in aan tuso kuwa ku soo duulay dhulkeena, in aan aanay weligood yeelan doonin dhulkeena. Dhulkeena inaga ayaa leh, ilaa inta NINKA CAD nool yahay. Weligood ma qabsan doonaan dhulkeena, mana bedeli doonaan dadkeena”

Wuxuu kaloo sheegay in uu werarka qorsheynayay labo sanno, balse goobta uu maanta weerar uu go’aansaday 3-bilood ka hor. Wuxuu sheegay in “New Zealand waxaan ku doortay in aan soo jeediyo dareenka dadka, in aan runta daaha ka rogo oo tuso in aanay jirin adduunka meel lagu badbaadi karo. Dadka “Muslimiinta/Soogalootiga” inagu soo duulay way joogaan meel kasta oo dhulkeena ka mid ah, mana jirto meel “baas” oo badbaaday soogalootiga”.

Isaga oo sheegaya in uu metelo “malaayiin yurubiyaan ah iyo sidoo kale dadka aaminsan in nasabadu ay saldhig u tahay waddaniyadda, uu rabo in uu xaqiijiyo JIRITAANKA dadkiisa iyo mustaqbalka caruurta cadcad”.

Ninkan ayaa sidoo kale weerarkan ku micneeyay in uu yahay “Aarsi, uu kaga aar gudanayo dadka ku soo duulay iyo sidoo kale boqolaalka qof ay dileen dadka ka yimi waddama kale ee ku soo duulay waddama ay iska leeyihiin dadka reer Yurub. Sidoo kale gumaysiga la gumaysanayo malaayiin reer yurub ah ee dhulkooda ay qaadanaya gumaystaha Muslimiinta, iyo kumanaanka kale ee lagu dilay weerarada aragagixiso ee ka dhacay Yurub oo dhan”.

Ninkan ayaa sidoo kale sheegay in mar uu booqday dalka Faransiiska in uu arkay sheekooyin uu moodayay khuraafaad oo ah in dalkaa ay ku soo duuleen, dad aan ahayn cadaan. Bale arrinkaa uu indhihiisa ku soo arkay, ayna dadkaasi joogaan magaalo kasta oo ku taal waddaankaas.

Weerarkan argagixisada ayuu ku sheegay in uu ka dhan yahay ” Soogalootiga iyo waxaa loo yaqaan Kala-Duwaanaashaha”

“Weerarkan waxaan ku rajo weynahay in aan qudha ka jaro kuwo badan oo ah “Kuwa soo duulay” iyo kuwa kale oo badan oo khayinul waddan ah.”

Ilaahay ha u naxariisto, ummada muslimiinta ah. Kuwa dhaawacmayna ha shaafiyo.

Xigasho: Moh Duale

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews