berberatoday.com
Dawladda Ingiriiska Oo Lagu Eedeeyay Inay Ku Fadhido Ictiraaf Somaliland Ka Hesho Beesha Caalamka
March 19, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada Somaliland, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-dheere), ayaa Dawladda boqortooyada Ingiriiska ku eedeeyay inay ku fadhido in Somaliland ay beesha Caalamka ka hesho Ictiraafka ay xaqa u leedahay.

Xildhibaanka oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Ingiriisku markii uu Xornimada siiyey Somaliland aanu Masuuliyad dambe iska saarin isla-markaana uu gacan ku lahaa in Gobanimadii Somaliland lagu tuuro Soomaaliya, haddana illaa Maanta uu wado dagaal ka dhan ah Somaliland.

Xildhibaanka oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Arrinta Ictiraafka hor-taagan maaha dhaliil Xukuumaddaheenu leeyihiin oo saaran, halka eeddu saaran tahay waa Dawladdii Ingiriiska ee muddada dheer Dalka xukumaysay ee gumaysanaysey ee Maalintii ay xornimada bixisanayna wax ku lahayn in Xornimadu lunto, ee aan masuuliyad dambe iska saarine, sidaasi awgeed in Xornimada lagu tuuro Xamar Ingiriisku qayb ayuu ka ahaa, illaa Maantana Ingiriis ayaa hor-taagan in Dalkani Xornimadiisa helo. Anigu meel arrintu ka socoto ma garanayo, laakiin Ingiriis ayaa la dagaalamaya in Somaliland xornimo (Ictiraaf) hesho, Dawladda Uk way hagratay inay xornimadeeda u soo celiso Somaliland, hadday lumiddeeda wax ku lahayd markii hore..”

Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Arrimaha bulshada ee Golaha Wakiillada Somaliland, wuxuu sheegay in Dhaqaalaha Ingiriisku siiyo Somaliland aanay u dhigmayn kaalintii Somaliland uga baahnayd “Dadku waxay sheegaan Dhaqaale yar oo ay u tuurto Somaliland, waxaasi wax buuxinaya doorkii laga rabay in Dawladda Ingiriisku ka qaadato raadinta Qaddiyadda Somaliland maaha, Dadkana mid raalli-gelinaya maaha, markaa waxaan leeyahay Dawladda Ingiriiska ayaa ku fadhida Ictiraafkii Somaliland ee iyada ha laga raadiyo oo yaan meel kale laga doonin.”ayuu yidhi.

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews