berberatoday.com
Xisbiga WADDANI Oo Xukuumadda Ku Canaantay Inay Ayidday Go’aan Shirkadda DP World Kor Ugu Qaadday Lacagta Ay Ka Qaaddo Alaabooyinka Dekedda ka soo Dega
March 19, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa Xukuumadda ku eedeeyay inay aqbashay Go’aan Shirkadda DP World kor ugu qaadayso Lacagaha ay ka qaaddo Alaabooyinka Ganacsatadu kala soo degaan Dekedda Berbera.

Maalmihii u dambeeyay waxa la sheegay in hakad ku yimid Shaqada Dekedda Berbera, ka dib markii Ganacsatada wax kala soo dega Dekedda Berbera ay diideen inay Alaabtooda kala baxaan Dekedda, maaddaama oo Shirkadda Maamusha Dekedda ee DP World kor u qaadday Lacagta ay ka qaaddo Alaabooyinka Dekedda ka soo dega.

Laakiin, Xukuumadda Somaliland oo doraad arrintan ka hadashay ayaa sheegtay inay aqbashay Go’aanka DP World kor ugu qaadday Lacagaha ay ka qaaddo Alaabta Dekedda Berbera ka soo degta oo ay Sharci tahay, waxayna Xukuumaddu sheegtay in Ganacsadihii aan alaabtiisa kala bixin Dekedda isla-markaana aan bixin Lacagaha Shirkadda DP World ku kordhisay alaabtooda soo degtay, laga qaadi doono Tallaabo isla-markaana La Ganaaxi doono.

Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo daba socda Go’aanka Xukuumaddu aqbashay ee ka soo baxay Shirkadda DP World, ayaa sheegay inuu ka xun yahay in Dawladdu ay maqli waydo Cabashada Ganacsatada Muwaadiniinta ah, balse ay dheg raariciso Shirkadda DP World ee Maamusha Dekedda Berbera oo ah Isha dhaqaale ee Somaliland.

Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Jamaal Jaamac Xaamud oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa nasiib-darro ku tilmaamay in Xukuumaddu ayiddo go’aanka DP World kor ugu qaadday lacagta ka qaaddo Alaabooyinka Ganacsatadu kala soo degaan.

Jamaal oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Xukuumaddu waxay qaadatay in la kordhiyo Lacagtii ay qaadi jirtay Shirkadda DP World, waxayna tidhi waxaanu qaadanay Cabashadii DP World, laakiin in DP World cabashadeeda la qaato maaha ee Ninka Muwaadinka ah ee Ganacsadaha ah ee Somaliland in Cabashadiisa la qaato weeyaan. In Ganacsatada Dalka Tixgelinta koowaad la siiyo ayay ahayd, sidaas ayaanuna qabnaa Xisbi ahaan, laakiin Shirkadda DP World iyadaa Dekeddeenii, Waxeenii iyo isheenii oo dhanba haysata, hadday Maalin walba tidhaahdo waxbaanu kordhinaynaa, Dawladduna tidhaahdo waanu ku raacaynaa, waxaanu u aragnaa khalad, Xukuumadduna inay arrimahaa aad uga fiirsato oo ay aad uga baaraan-degto weeyaan..”

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews