berberatoday.com
Qiso xanuun badan: Laba arrimood filo hadii aad guursato qof ajanabi ah
March 28, 2019 - Written by berberatoday berberatoday

Qiso xanuun badan: Laba arrimood filo hadii aad guursato qof ajanabi ah

Axmed Cabdiqaadir Cagma dhige iyo xaaskiisa
Image captionAxmed Cabdiqaadir Cagma dhige iyo xaaskiisa

Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka aduunka sida wayn u ilaaliya hanaanka guurka iyo isdhexgalka,waxaa jirta sheekooyin badan oo la xidhiidha Guurka.

Soomaalida dhexdeeda waxaa ku badan haybsooca sida in laysku diido laba qof ee is doortay iyada oo la tixraacayo qoysaska ay lamaanuhu ka soo jeedaan arintan ayaa ah faquuq mudooyin soo jiray.

Soomaali badan ayaa u qaxday dalka dibadiisa gaar ahaan wadamada reer galbeedka,dhaqanka guurka soomaalidu waxba iskama aysan badalin marka ay timaado guurka ajanabig iyo soomaalida

Arintan ayaa keentay in ay yaraadaan isdhex galka soomalaida iyo bulshooyinkii ay u tageen.

”Markaan soo guursaday anigu bataatan bulshadii soomaaliyeed ee daganay magaaladaydu way I goysay,layma soo booqan waxaan filaayay dumarkeenu waxay dhaqan u lahaayeen marka gabar wiil soo guursado in ay u keenaan hadyad oo la soo dhaweeyo,qaar ayaa igu yiri gabadhu way soo islaantay oo waan ku faraxsanahay,ragii soomaliyeed waxay igu yiraahdeen waar sidee isula jaanqaadeen,waar indha baliishan maxay tahay halka qaar kale sheegeen waa maxay firraanfirkan”sidaas waxaa BC-da u sheegay Axmed Cabdiqaadir Cagma dhige oo guursaday gabar u dhalatay Sweden.

.

Axmed waqtigan waa aabaha sadex wiil oo ay u dhashay haweenayda u dhalatay Sweden wiilashan ayaa loo bixiyay magacyada kala ah ,Sakariye Ilyaas iyo Makaahiil.

Carruurta soomaalidu waxay u arkaan wiilasha uu dhalay Axmed in aysan ahay soomaali sax ah, su’aashu waxay tahay midabka miyaa ah soomaalinimada mise jinsiyada qofka waa kan Axmed oo u joogay dhacdo xanuun badan oo kala qabsatay gabadh yar oo soomali ah iyo isaga.

.

”ilmo soomaaliyeed oo ay is leegyihiin yihiin ilmahayga ayaa ii yimid aniga oo sadexda ciyaalkay-ga wato waxay I waydiisay adeer ilmaha gaalada ah ee aad wadato maxay yihiin,canugtii yarayd maskaxdeeda in aan dhaawaco ma rabin waxaan u sheegay in aan ilmahan dhalay wayna iga diiday,waxaan la yaabay jawaabta aan ka helay hoyadeed oo la socotay oo u jawaabtay gabadheedii yarayd kuna tiri naa soo soco awalbaan la yaabanayd”

Wadamo badan oo galbeedka ah waxaa ku soo badanaya guurka ajanabiga iyo soomaalida,guurka noocan ah ayaa inta badan la kulma faquuq uga yimaada wiilka ama gabadha ajanabig guursatay bulshada soomaalida la nool.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews