berberatoday.com
Diblomaasiyiin Ka Dareen Celiyey Safar Ay Ku Yimaaddeen Somaliland
April 13, 2019 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland waxa socdaal ku yimaadda toddobaad kasta dad tiro badan oo Ajnabi ah, kuwaasi oo u yimaada Somaliland arrimo shaqo iyo hawlo kala gadisan.

Hadaba dadkan ajnabiga ah ayaa intii ay ku sugnaayeen Somaliland ka dareen celiyey waxyaalihii ay ku arkeen, iyaga oo aragtiyahooda ku cabira amaanka iyo xasiloonida ka jirta dalkan aan la aqoonsan ee Somaliland, iyaga oo inta badana ku soo bandhiga arrimahaas Baraha bulshada ee Twitter-ku ka mid yahay.

Ugu horeyn Patrick Heinisch ayaa 5-tii bisha April 2019 ee todobaadkan qoraal uu soo bandhigay Barta uu ku leeyahay Twitter-ka, waxa uu ku yidhi “Markii aan booqday Hargeysa sanadkii la soo dhaafay, waxaan u baahday Fiisaha (Visa) Somaliland, Aniga oo sitay fiisaha Somalia. Tani waa mid aan la badali karin oo cadayn u ah in Somaliland Madax-banaan tahay, kana duwan tahay Somalia”.

Sidoo kale Chris Weigold oo u dashay dalka Ingiriiska oo isaguna socdaal ku yimid Somaliland isla 5-tii bishan April 2019, ayaa isaguna sheegay in uu hada soo gaadhay hoygiisa cusub, oo uu la yaabay Somaliland oo aad u qurux badan.

Dhinaca kale Tariq Abbasi oo isagana sitay Baasaaboor Diplomasi ah oo soo gaadhay Somaliland, ayaa barta Twitter-ka uu ku leeyahay ku qorey “Somaliland waa wadan si balaadhan u nabdoon iyo dad aad la dhacaysid”.

Si kastaba, tan iyo intii Somaliland ay ku dhawaaqday madax-banaanida, waxa sanadihii ugu dambeeyey soo kordhayey dalxiisayaasha aduunka ee socdaalka ku imanayey, si ay wax badan uga ogaadan Somaliland.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews