Ku-Xigeenkii Hoggaamiyaha Daacish-Ta Soomaaliya Oo La Dilay
April 15, 2019 - Written by admin
Bosaso(Berberatoday.com)-Ku-xigeenkaasi oo lagu magacaabi jirey C/xakiim Maxamed Ibraahim “C/xakiim Dhoqob” ayaa la sheegay in shalay galab lagu dilay duqeyn Diyaaradeed oo ka dhacday meel 3-KM u jirta Tuulladda Xiriiro ee Buuraha Degmadda Qandala oo 75 KM u jirta magaalladda Bosaaso ee Goblka Bari ee Maamulka Puntland.
Dhowr Gantaal ayaa la sheegay in lala helay Gaadhigii uu la socday C/xakiim Dhoqob oo noociisu ahaaa 4 wheel Driver, waxaana duqeyntaasi kula geeriyooday nin kale oo la socday, kaasi oo aan ilaa iyo haatan aan magaciisa la sheegin.