berberatoday.com
Xaalad Khatar Ah Oo Soo Wajahday Ilhaan Cumar
April 16, 2019 - Written by admin

New York(BErberatoday.com)-Ilhaan Cumar oo ka mid ah wakiillada matala xisbiga Dimuqraaddiga ayaa sheegtay in ay kusoo bateen hanjabaadaha loogu jeedinayo in la dilayo, tan iyo markii uu dhawaan madaxweyne Domald Trump bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal iyo muuqaal ku saabsan khudbad ay jeedisay bishii lasoo dhaafay, sida uu shaaciyay Telefishinka CNN.

Gabadhan oo laga soo doortay gobolka Minnesota ayaa sidoo kale sheegtay in Trump uu dhiirrigaliyay xagjiriinta garabka midi gee qalalaasaha kiciya.

Dagaalka Ilhaan iyo Trump: Ilhaan Cumar oo ka shaqeyneysa hindise sharciyeed u daneynaya Soomaaliya

Hase ahaatee xog hayaha dhinaca saxaafadda ee aqalka cad Sarah Sanders ayaa Axaddii gaashaanka ku dhufatay eedeymaha noocaas ah.

“Tan iyo markii uu madaxweynaha qoraalkiisa uu muuqaalka la socday Twitter-ka soo dhigay Jimcadii, waxaan arkay in ay sii kordheen khataraha ku wajahan nafteyda, in badan oo ka mid ah waxay si toos ah u soo xiganayaan muuqaalka uu soo dhigay. Waxaan u mahad celinayaa booliska Capitol, FBI-da, ciidamada aqalka iyo afhayeenka aqalkaba sida ay uga walaaceen hanjabaadahan”, ayaa lagu yidhi bayaan ay Ilhaan soo saartay galinkii dmabe ee Axadda.

Afhayeenka Koongareeska Nancy Pelosi ayaa sheegtay inay amaanka Ilhaan Cumar kala hadashay saraakiisha ciidanka ilaalada aqalka, ayna ku amartay in si xoog leh loo adkeeyo amnigeeda.

Donald Trump ayaa Twitterkiisa soo dhigay muuqaal laga arkayo Ilhaan Cumar oo khudbad jeedinaysay bishii lasoo dhaafay, isagoo dusha uga qoray “waligeen ma illoobi doonno”.

Muuqaalka oo la jarjaray ayaa lagu celceliyay erayada ay dhaheysay qaarkood, taasoo dadka Ilhaan taageera ay u arkeen mid lagu muujinayo Islaam nacayb.

Waxay Ilhaan muuqaalkaas uga hadleysay guddiga lagu magacaabo CAIR ee gobolka Calofornia, kaasoo ka shaqeeya xiriirka Mareykanka iyo Muslimiinta.

Trump ayaa sidoo kale muuqaalkaas kusoo dhex daray qeybo jarjaran oo ka mid ah weerarkii 9/11 ee lagu qaaday daarigii dhaadheeraa ee Mareykanka.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews