berberatoday.com
Dalka Baxrayn Oo Dhalashada Kala Laabatay 138 Ruux
April 17, 2019 - Written by admin

Bahrain(Berberatoday.com)-Maxkamad ku taalla dalka Baxrayn ayaa xukun xabsi ah ku ridday 139 ruux, waxayna dhalashada kala laabatay dhammaantood marka hal ruux laga reebo, waxay dadkaas ku heshay dacwado argagixiso.

Lixdan iyo sagaal ka mid ah dadkaas ayaa lagu xukumay cimrigaa haku furto, kuwa kalana waxaa lagu xukumay xabsiyo u dhaxeeya saddex illaa toddobo sano.

Image result for Boqorka Bahrain

Waxaa lagu eedeeyay in ay diyaarinayeen shabakad ku xiran ciidammada Ilaalada Kacaanka Iiraan.

Boqortooyadan ay Suniyiintu maamulaan balse Shiicada u badan ayaa Iiraan ku eedaysay in ay kicin ka waddo bulshada dhexdeeda tan iyo markii la dajiyay kacdoonkii bulshada ee 2011kii.

Iiraan ayaa taageertay kacdoonkaas, balse waxay diiday in ay taageero siisay kooxaha malayshiyaadka ah ee weerarrada ku qaaday laamaha ammaanka.

Konton iyo siddeed ka mid ha dadkaas ayaa xukunka lagu riday iyaga oo dalka ka maqan, sida ay ilo maxkamadda ka tirsan u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP.

Ma cadda waddanka loo masaafurin doono dadkaas jinsiyadda lagala laabtay.

Bishii Sabteembar ee sannadkii hore dacwad oogaha rayidka ayaa ku dhawaaqay in dacwado lagu soo oogay 169 ruux oo aan magacyadooda la shaacin, kuwaas oo uu ku sheegay in ay ka mid yihiin xubnaha shabakad argagixiso oo uu ku tilmaamy “Xisbullaah-da Baxrayn” kuwaas oo uu u saarinayo dhaqdhaqaaqa shiicada ah ee Lubnaan ka hawlgala taageeradana ka haysta Iiraan.

Dadkan laga shakisan yahay ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay bambooyin aaseen, hanti burburiyeen isla markaasna aya si sharci darro ah u haysteen hub iyo waxyaabo qarxa.

Dacwad oogaha ayaa Xisbullaah-da Baxrayn ku eedeeyay in ay aasaaseen masuuliyiinta ugu sarreeya Iiraan, kuwaas oo amray in qaar ka mid ah ciidammada Ilaalada Kacaanka Iiraan ay mideeyaan kooxaha argagixisada ah ee Baxrayn ku sugan si ay u fuliyaan hawlo argagixisanimo oo ka dhan ah Baxrayn.

Dacwad oogaha ayaa sidoo kale ku eedeeyay Ciidammada Kacaanka Iiraan in ay qaar ka mid ah xubnaha shabakaddan ay ku soo tababareen Lubnaan, Iiraan iyo Ciraaq, ayna ka caawiyaan “farsamada, saadka iyo dhanka maaliyaddaba.”

Talaadadii ayuu dacwad ooguhu sheegay in maxkamadda sare ee dambiyadu ay 139 ruux ku ridday xukun xabsi, 98 ka mid ahna ay mid kaste ugu dartay ganaax lacageed oo dhan $265,000.

Hal qof ayaa xabsi lagu xukumay balse aan jinsiyaddii lagala laaban, 30 ruux oo kalana wax dambi ah waa lagu waayay.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews