berberatoday.com
Madaxweyne Trump Oo Ku Gacan Seydhay Qaraar Ka Dhan Ahaa Boqortooyada Sacuudiga
April 17, 2019 - Written by admin

USA(Berberatoday.com)-Qaraar ay ansixiyeen golaha Kongreska Mareykanka oo lagu soo afjari lahaa taageerada Mareykanka uu u fidiyo isbahaysiga uu Sacuudiga hogaamiyo ee Yemen ka dagaalamaya ayaa waxaa diiday oo codka diimada qayaxan ku horistaagay madaxwayne Trump.

Xiriirka aadka u dhaw ee uu madaxwayne Trump la leeyahay boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaa walaac ka muujiyay qaar ka mid ah xubnaha koongreska Mareykanka.

Mareykanka ayaa balaayiin doolar oo taagero hub ah siiya isbahaysiga Sacuudigu hogaamiyo ee Yemen kula tagaalamaya kooxda Xuutiyinta Yemen ee ay Iiraan taageerto.

Balse Kongreska Mareykanka ayaa waxay walaac ka muujiyeen kumanaanka qofka ee rayidka ee ku dhintay duqaymaha cirka tan iyo intii uu dagaalka bilaabmay 4 sano ka hor.

Todobaadyadii aanu soo dhaafnay qaraaro lagu xaddidayo awoodda madaxwaynaha uu ku diri karo ciidamo ayaa waxaa ansaxiyay labada aqal ee Congreska iyo golaha wakiilada.

Madaxwayne Trump – oo isaga lagu dhaliilay in uu ku guuldaraystay in uu cambaareeyo dilkii Jamal Khashoggi bishii October – ayaa ahayd mid la filayay in uu codka diidamada qayaxan ku diido qaraaradan ka dhanka ah Sacuudiga.

Bayaan uu soo saaray madaxwaynaha ayuu ku tilmaamay arrintan ‘mid aan loo baahnayn oo halis ah’iyo isku day lagu doonayo in lagu xaddido awoodiisa dastuuriga.

Isabahaysiga uu Sacuudiga hogaamiyo ayaa lagu eedeeyay in ay dambiyo ka gaysteen dalka Yemen tan iyo intii ay halkaasi ka bilaabeen howlgalada ka dhanka ah kooxda Xuutiyiinta.

Waxaa tan iyo xilligaasi socday cadaadisa lagu hayay dalalka dhanka militariga ka taageera Sacuudiga ee uu Mareykanka ka mid yahay oo loogu baaqayay in taageeradooda ay soo afjaraan.

Cadaadis kan la mid ah ayaa waxa horey loo saaray dowladda Britain oo kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ay ugu baaqayeen in la joojiyo hubka Sacuudiga laga iibiyo.

Dagaalka yemen ayaa tan iyo intii uu billaabmay 4 sano ka hor waxaa ku dhintay kumannan qof oo rayid ah,waxaana ku barakacay kumannaan kale.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews