berberatoday.com
Nicholas Haysom Oo Xil Cusub Loo Magacaabay
April 17, 2019 - Written by admin

New York(Berberatoday.com)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa xil cusub u magacaabay Nicholas Haysom wakiilkiisii gaarka ahaa u qaabilsanaa Soomaaliya, kaasi oo bilowgii sanadkaan laga ceydhiyay Muqdisho.

Nicholas Haysom ayaa loo magacaabay lataliye gaar ah oo Midowga Africa ka taageeraya dadaalada dhexdhexaadinta Sudan, halkaasi oo todobaadkii lasoo dhaafay ciidamada Meletariga xilka kaga tuureen Cumar Xasan Al Bashiir.

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa wariyaasha u sheegay in Nicholas Haysom uu ka taageeri doono midowga Africa wax walbaa oo uu awoodo oo lagu badbaadinayo Sudan.

Sidoo kale Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa kala hadlay guddoomiyaha guddiga Midowga Afria Muusa Faki Maxamed xilka loo magacaabay Haysom iyo in mar walbaa uu garab taagnaan doono shacabka Sudan.

“Xoghayaha guud wuxuu si aad ah u sheegay inuu wanaagsan yahay xiriirka uu la leeyahay Midowga Afrika,  wuxuu sameyn doonaa wax kasta oo uu awood u leeyahay inuu ku taageero dadaalkooda,” ayuu yidhi  Dujarric.

Nicolas Haysom, ayaa ahaa wakiilkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, balse waxaa laga eryay Soomaaliya afar bilood ka hor, kadib markii dowladda Soomaaliya  ay ku eedeysan inuu faragelin ku sameeyay arimaha gudaha dalka.

Haysom waa Qareen Koofur African ah, waxaana uu horey usoo noqday Wakiilkii Qaramada Midoobay ee Sudan iyo Koofurta SUdan, sidoo kale wuxuu madax ka noqday Howlgalka Qaramada Midoobay ee Afgaanistaan.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews