berberatoday.com
Kiimikada sumeysan ee ay hawada ku sii daayaan Wershadaha Batroolka safeeyaa waxay fahmo guur ku ridaan caruurta yar yar. qalinkii A/rahman fidhinle UK.
April 18, 2019 - Written by Berbera Today
Wershedaha Batroolka Safeeyaa waxay keenaan dhibaatooyin badan oo saameeya noolaha degaanka laga dhiso wershedahaas.
Wasakhda iyo hadhaaga sunta ah ee ka dhasha safeynta kala duwan ee Batroolku waxay dhibaatooyin taban gaadhsiiyaan, Bay’ada, degaanka, dadka, duunyada  iyo Biyaha waxaanay hawada ku xidhaan oo ku sii daayaan qiiq madow oo fara badan iyo ur aan loo adkeysan karin.
1- Waxay hawada ku sii daayaan Wershadahaasi sun  fara badan  oo waxyeelaysa bay’ada iyo noolaha ku nool degaankaas haddii aan laga xakameyn.
2- Waxay hawada ku sii daayaan maalin kasta 100 nooc oo sumo kala duwan ah oo khatar ah oo hawada raacbaa maalin kasta – waxaana ka mid ah suntaa kimikada ah:
 Sulphur dioxide (SO2), Nitrogen Oxide , Carbon Mono-oxide , Methane dioxide,  Hyadrogen Fluoride, Chlorine Benzene, bir ama Lead, sunta PM10 , Methene & qaar kale.
3- Waxay Wersheduhu sababaan in ay da’aan roobab asiidh ah oo dhulka baabiiya oo xanuuno badan oo dadka iyo duunyadaba ku dhaca keena, xanuunadaa waxaa ka mid ah :Kansarka, Xanuunada dhiiga iyo dhuuxa ku dhaca, kuwa ku dhaca maqaarka jidhka,  marinka neefashada, indhaha, kuwa ku dhaca xusuusta  iyo maskaxda caruurta da’doodu yartahay ,iyo xanuunada taranka ee dhalmada yareeya. sumahaas kala duwani waxay baabiiyaan dhamaan noolaha degaankaas, waxaana ay nabaadguuriyaan degaanka wersheda laga dhiso iyo nawaaxigeeda.
4- Wershadahaasi  Waxay sii daayaan  Wasakhda khatarta leh ee la yaqaano  PM10 suntaas oo Sambabada  noolaha Xanuuno kala duwan oo aan dawo laheyn ku rida.
5- Wershaduhu waxay cirka ku sii daayaan Qiiq madow oo xanbaarsan sumo kala duwan ku waa soo hawada xidha ka dibna nabaad quuriya dhulka iyo calafka xoolaha
6- Waxay wersheduhu  hawada ku sii daayaan sunta  khatarta badan ee Methane taasoo iyana hawada raacda oo noolaha caafimaadkiisa daciifisa.
7- Wershadaha Batroolka Safeeyaa waxay dhalaan birta layidhaahdo (LEAD ) birtaas oo caruurta degaanka dagan fahmada ka qaada oo xusuus tooda yareysa.
8- Waxaa agagaarka wershadu yeelataa had iyo jeer ur aad u xun taasoo ay keento sunta Salphur tu ee ay wershadu sii deyso mar kasta oo la shido- waxaana ay suntani keentaa xanuuno badan oo ay ka mid yihiin indho xanuunka, madax xanuunka, xanuunka kansarka iyo xanuuno badan oo ku dhaca marinka neefsashada ee noolaha kala duwan.
Talo Soo jeedin : Si loo yareeyo saameynta dhibaatooyinka ay Wershada Sifeynta Batroolku u keeni karto degaanka: Maadaama JSL tahay dawlad sabool ah oo aan weli laheyn sharciyo aqooni ku dheehan tahay oo xakameeya khasaarada dadban ee ay wersheduhu u geystaan Degaanka dalka.
1- Waa in dadku aanay degin ee ka durkaan degaanka wershedaha laga dhisaayo mar walba.
2- Waa in Weshada lagu rakibaa qalab cusub oo xakameeya sanqadha wershada iyo waxyeelada  suntan ah ee wershedu dhasho
3- Waa in Wershada lagu daraa liiska Wershehada u hogaansan Xeerarka Caalamiga ah ee ( Atmasphoric Pollution Prevention – Xeer 45- Act 1965)
 Si ay xeerarkaasi  uqabtaan una xakameeyaan warsheda hadii ay badato waxyeelada ay u  keento degaanka Wershadaasi ku taalo.
4- Waa in wershedu la timaadaa hababka casriga ah ee lagu xakameeyo sumaha khatarta leh ee ka dhasha hadhaaga wax soo saarka wersheda
5- Waa in Wersheda lagu rakibaa qalabka kala sifeeya hadhaaga  wax soo saarka wersheda kaas oo isugu Jiri kara dareere, adke ama mid hawada oo kale ah.
6- Waa in si cilmiyeysan loogu fiirsadaa waxyeelada dadban ee ay wershedu ku keeni karto degaanka, dadka iyo duunyadaba.

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews