berberatoday.com
Mareykanka Oo Soo Saaray Digniin Saameyn Karta Madaxweyne Farmaajo
April 18, 2019 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa hooraantii bishii Maarso ee sanandkan soo saartay amar ku aadan muwaaddiniinta Mareykanka ee xilalka saameynta siyaasadeed leh ka haya dalal kale.

Digniinta oo ah mid shuruucda dalkaas lagu caddeynayo ayaa lagu sheegay inay dhici karto in qofkaas uu lumiyo dhalashada Mareykanka, haddii uu u tartamo xil, loona dhaariyo, taasi oo dowladda Mareykanka ay sheegtay in aysan waafaqsaneyn shuruucda dalkeeda.

“Kiisaska la xiriira muwaaddiniinta Maraykanka ee haatan madaxweyne ka ah dalal kale, ama wasiir arrimo dibadeed ah waxaa ka dhalanaya su’aalo adag oo la xiriira sharciyada caalamiga ah, wasaaradda arrimaha dibedda ayaa arrimahaasi si gooni gooni u eegi doonta”. Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu daabacay bogga wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in digniintan aysan quseyn muwaaddiniinta u dhashay Mareykanka ee u shaqa taga dalal kale, balse aanan ku lugta lahayn go’aannada siyaasadeed.

“Haddii muwaaddiniin Maraykan ah loo shaqaaleysiiyo jagooyin sare oo siyaasadeed, wasaaradda arrimaha dibedda waxay weydiin doontaa muwaaddiniintaas inay doonayaan in jinsiyadda Maraykanka ay sii haystaan iyo in kale, marka ay dadka noocaas ah aqbalayaan inay jagooyin muhiim ah ka qabtaan waddamo kale. Qofku haddii uu doonayo in uu sii haysto jinsiyadda Maraykanka waa inuu sidaa u caddeeyaa wasaaradda arrimaha dibedda. Qofka haddii uu doonayo inuu ka noqdo muwaaddinimadiisa Maraykanka waa in uu raacaa tallaabooyinka laga doonayo”. Ayaa la raaciyay.

Saameynta ka dhalan karto arrinta ayaa la sheegay inay taaban karto madaxda dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha haddii uu damco in uu tago Mareykanka, maadaama uu heysto dhalasha Mareykan ah.

“Qofka haddii uu dal kale ka hayo jagada madaxweynaha ama wasiirka arrimaha dibedda, waxay saameyn ku yeelan doontaa xasaanadda uu Maraykanka siiyo dadka haysto labada dhalasho.”Ayay sii raacisay dowladda Mareykanka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa labadii sano ee uu hayay xilka waxaa uu ka baaqsaday in uu tago Mareykanka, waxaana jira dad ku doodaya in haddii madaxweynaha uu tago Mareykanka ay dhici karto in loo qaabilo si ka duwan madaxweyne qaran, maadaama wali uu haysto basaboorka Mareykanka.

“Saameynta ka dhalan karta way cadahay, tusaale ahana madaxweynaha Soomaaliya waa nin Mareykanka oo dhalashda dalkaas heysta, isaga ma ahan qof la taliye ama shaqo kale haya, wuxuu noqonaya qof isu soo sharaxay xil siyaasadeed, ku guuleystay, kuna dhaartay in madaxweyne dal kale yahay, madaxweynaha xasaanad diblomaasiyadeed ma yeelan karo, haddii uu tago Mareykanka dacwad ayaa lagu soo oogi karaa, muwaaddiniinta Mareykankana maxkamad ayay soo taagi karaan madaxweynaha Soomaaliya oo haddii lagu helana la xiri karo”. Sidaas waxaa BBC-da u sheegay Ciid Badal oo ah diblomaasi hore.

Ciid Badal ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Soomaaliya horay looga digay arrintan, taasna ay sababtay in labadii sano ee uu xilka hayo uusan ku dhiirannin in uu tago Mareykanka, waxaana uu intaa raaciyay in haddii madaxweyne Farmaajo uu celiyo dhalashada dalkaasi uu Mareykanka ka helayo xasaanad buuxda.

“Mar haddii mas’uulka uu isu soo sharraxay xil siyaasi ah, waxay ku karaama badan tahay in uu baasaboorka ah ajnabiga iska celiyo, waxayan arrintan oo kale ka dhacday dalka Ciraaq, kaddib markii nin muwaaddin Ingiriis ah loo magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha, isagoona iska celiyay dhalashada Ingiriiska”. Ayuu raaciyay Ciid Badal.

Inkastoo qaar badan oo kamid ah madaxda dowladda Soomaaliya ay heystaan basaboor dalal kale ayaa haddana waxaa muuqata in arrintan ay walaac hor leh ku keeni kaarto qaar badan oo heysta basbaoorka Mareykanka, kuwaas oo ay soo wajihi doonto labo daran mid dooro.

Madaxweyne Farmaajo ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay isagoo xilka hay aka baaqday shir madaxeedka Qaramada Midoobay ee sannad walba ka dhaca magaalada New York.

Dadka isticmaala Baraha bulshada ayaa isweydiinayay sababta uu madaxweynaha uga baaqanaayo shirkaas, iyadoo dadka qaar ay sheegeen in madaxweynuhu uu haysto baasaboor Mareykan ah, sidaasi darteedna uu u baaqday maadaama sida la sheegay Sharciga dalka Mareykanka uusan oggoleyn in qof haysta baasaboorkooda uu dalkaasi tego isagoo adeegsanayo baasaboor dal kale.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews