Xukuumadda Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Inay Mallaayiin Dollar Galinayso Xarunta Gobolka Sool
April 18, 2019 - Written by Berbera Today
“Xukuumad Ahaan Waxaan Ku Dhawaaqayaa In Degmada Laascaanood La Gelin Doono Lacag Hordhac Ah Oo Aanu Uga Qorshaynay…”-Wasiirka Biyaha
Laascaanood(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in lacag hordhac ah oo dhan shan milyan oo dollar ay galinayso Magaalo madaxda Gobolka Sool.
Wasiirka Wasaaradda Biyaha Mudane Saleebaan Cali Koore iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa gaadhay magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood, isla markaana waxa si diiran ah weftiga ugu soo dhaweeyey Maamul heer Gobol, Degmo iyo Dadweyne kale oo tiro badan.