berberatoday.com
Kuuriyada Waqooyi Oo Sheegtay In Ay Hub Cusub Tijaabisay
April 19, 2019 - Written by Berbera Today

Piyayong(Berberatoday.com)-Warbixin ay baahisay wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ee magaceeda loo soo gaabiyo KCNA ayaa faahfaahin kooban bixisay, balse waxay sheegtay in hubkan cusub ay ku xiran yihiin “madaxyo gantaallo oo awood badan”.

Arrintan ayaa noqonaysa markii koobaad ee si rasmi ah loo shaaciyo gantaal la tijaabiyay tan iyo markii uu is afgarad la’aan ku dhammaaday wadahadalkii ay yeesheen hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un iyo hoggaamiyaha Maraykanka Donald Trump.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sidan oo kale samaysay sannadkii hore, dadka arrimahan indhaindheeyana waxay u arkaan in ay tahay isku day ay Kuuriyada Waqooyi ku doonayso in ay caddaadis ku saarto Maraykanka.

Toddobaadkii hore Kim wuxuu sheegay in Trump looga baahan yahay in uu “wanaajiyo qaabka uu arrinta u wajahayo” si ay wadahadalladu u sii socdaan, ka dib markii uu isfaham la’aan ku soo dhamaaday shirkii ay bishii Feebaraayo yeesheen.

Maxay Kuuriyada Waqooyi sheegtay?

Sida ay ku warrantay wakaalada wararka ee KCNA tijaabadan u dambaysay waxaa kormeeray oo indhihiisa kula socday hoggaamiye Kim laftirkiisa.

Hubkan ayaa ahaa “nooc gaar ah oo la hagi karo” sida ay ku warrantay KCNA, waxayna intaas ku sii dartay in tijaabadan “lagu sameeyay noocyo kala duwan oo lagu beegsanayo bartilmaameedyo kala duwan”.

Kim wuxuu sheegay in horumarkani uu yahay “mid miisaan u soo kordhinaya awoodda difaaca ciidanka umadda”.

Balse erayga xeeladaysi oo loo isticmaalay hubkan la tijaabiyay ayaa tilmaamaysa in uu yahay hub riddo gaaban, isla markaasna uusan u muuqan in uu yahay gantaallada riddada dheer ee afka qalaad lagu yiraahdo ballistic, kuwaas oo Maraykanku u arko in ay halis ku yihiin.

Sawirro dhanka saterlaytka ah oo laga qaaday goobka ugu wayn ee hubka nukliyeerka ah ee Kuuriyada Waqooyi ayaa muujiyay in dhaqdhaqaaq ka jiray, kuwaas oo tilmaamay in dalku uu shucaac u badalayo shidaalka bambada loo adeegsado.

Sannadkii horana hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in uu dalkiisu joojinayo tijaabinta gantaallada qaaradaha isaga kala goosha, maadaama oo la “hubiyay” awooda nukliyeerka ee Pyongyang.

Dalkaas ayaa sheegtay in uu sameeyay bam nukliyeer oo yar kaas oo galaya gantaallada riddada dheer iyo gantaallada kale ee ballistic loo yaqaanno ee u muuqda in uu gaari karo gudaha dalka Maraykanka.

Ankit Panda oo ka faalooda arrimaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in ku dhawaaqiddan cusub ay dabo socoto dhoolatuska ay ciidammada Maraykanka iyo kuwa Kuuriyada Koonfureed wada samaynayaan, wuxuuna ku tilmaamay aarsi.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews