berberatoday.com
Somaliland Oo Haamo Waaweyn Uculanaysa Shidaalka Geeska Afrika
April 19, 2019 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Shirkad Shiinaha laga leeyahay ayaa heshiis baaxad wayn la sixeexatay Somaliland, sida uu BBC-da u sheegay Wasiirka Maalgashiga Somaliland Maxamed Ahmed Cawad.

Heshiiskan, ayaa dhidibbada loogu taagayaa warshad sifaysa shidaalka. “Saddex shirkadood ayaa shidaal qodis ka wada Somaliland dhammaantoodna rajo ayaa laga qabaa in ay shidaal heli doonaan” ayuu yidhi Wasiir Cawad.

“Maadaama oon meel dhexe ku naalo waa meel la keeni karo shidaallada bari iyo galbeed ka soo baxa ka dibna lagu sifayn karo oo Afrika oo dhan halkaas laga gaadhsiin karo” ayuu intaas ku sii daray wasiirka.

Sannadkii hore ayay Itoobiya soo saartay shidaal ka dib wakhti dheer oo ay sahan shidaal ka wadday Dawladda Deegaanka Soomaalida.

Dawladda Kenya ayaa sidoo kale dhawaan sheegtay in ay shidaal ka heshay dalkeeda, arrimahaas oo dhan marka la eegana warshad shidaal samaysa oo gobolka laga billaabo hadda ayaa u muuqata mid mustaqbal ifaya leh.

“Waddankan aan jaarka nahay ee Itoobiya ayay shirkadaha oo dhan tartan ugu jiraan” ayuu yidhi Wasiir Cawad oo ku baraarugsan ahmiyadda suuqa 100 milyan ee ruux ee ku nool dalka Itoobiya oon bad lahayn.

“Wallaahay waan ku faraxnay”.

Mashruucan warshadda shidaalka sifaysa oo lagu wado in uu noqdo mid baaxad wayn ayaa loo arkaa in uu wax wayn ka qaban doono mashaakilka Somaliland ka haysta shaqo la’aanta baahsan ee dhallinyarada.

Dhawaan ayuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Billaabay “qorshe qaran” oo Somaliland ay tabobar iyo shaqo abuur ugu samaynayso dhallinyarada jaamacadaha ka baxday kuwaas difcaddii ugu horraysay la xareeyay.

Shirkaddan Shiinayska ah ayaa ogolaatay in ay waxbarasho dibadda ugu qaaddo isla markaasna shaqo siiso 300 oo ka mid ah dhallinyaradaas, sida uu BBC-da u sheegay Wasiirka Maalgashiga Somaliland.

“Qorshahaas ay shirkadda shidaal sifayntu shaqo abuurka ugu samaynayso wallaahay waan ku faraxnay waana soo dhawaynaynaa waayo dadkani waa dad dhallinyaro ah oo ku yimid mashruuca shaqo qaran, marka dhallinyaradan oo shaqo la’aan ah jaamacadana ka soo baxay aad bay u soo dhaweeyeen” ayuu yidhi Faysal Cabdi Muxumed oo ka mid ah difcada koobaad ee shaqada loo ballamiyay.

Wasiirka Maxamed Ahmed Cawad ayaa wax laga waydiiyay waxa heshiiska shirkaddan uu uga duwanaan karo kuwii ka horreeyay ee ay waxba ka soo naaso caddaan waayeen?

“Walaal kuwii hore waxay ahaan jireen isfaham shirkado lala galay oo warbaahinta gaadhay, balse kan waa heshiis.” waana la dhagax dhigay ayuu yidhi Wasiir Cawad.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews