berberatoday.com
Arrin Cusub Oo Lagu Shaaciyay Warbixintii Muddada Dheer La Sugayay Ee Xidhiidhka Trump Iyo Ruushka!
April 20, 2019 - Written by Berbera Today

USA(Berberatoday.com)-Madaxweyne Donald Trump ayaa isku dayay in shaqada laga eryo ninkii loo xushay inuu baaritaanka ku sameeyo xiriirka uu madaxweynaha la leeyahay Ruushka, sida ku xusan warbixin muddo dheer la sugayay oo hadda la shaaciyay.

Waxaa isasoo taraya soo shaac bixidda xogaha ku jira warbixintan oo ka kooban 448 bog, taasoo uu aruuriyay wakiilka gaarka ah ee loo xil saaray arrinta, Robert Mueller.

Kooxda dhinaca sharciga u qaabilsan Mr Trump ayaa horay u sheegtay in shaacinta warbixintaas ay u noqon doonto “guul baaxad leh”.

Waxay arrintani timid xilli xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka, oo ah garyaqaanka ugu sarreeya waddanka, William Barr uu wajahayo dhaleeceyn ku saabsan sida uu u qaabilay sii deynta warbixintaas xasaasiga ah.

Xeer ilaaliyaha guud, oo ah nin uu soo magacaabay Mr Trump ayaa dhawaan qabtay shir jaraa’id, ka hor inta aan war bixinta lasoo bandhigin, wuxuuna u muuqday inuu difaacayo madaxweynaha.

Ficilladiisa ayaa horseeday in saraakiisha sar sare ee xisbiga Dimuqraaddiga ay su’aal ka keenaan daacadnimadiisa iyo madaxbannaanidiisa.

Warbixinta la shaaciyay ayaa sidoo kale waxaa ku jira in bishii Juunyo ee sannadkii 2017-kii uu madaxweyne Trump wacay Don McGahn, oo ah qareen horay uga shaqeyn jiray Aqalka Cad, uuna ka dalbaday in la isku dayo sidii shaqada looga eryi lahaa Mr Mueller, isagoo sabab uga dhigay arrin uusan faahfaahinin oo ku saabsaneyd in “dano iskhilaafaya” ay ugu jiraan shaqada.

Warbixinta Mr Mueller ayaa lagu sheegay in aan la helin wax dambi ah oo ku saabsan xiriir dhex maray kooxdii ol’olaha doorashada ee Mr Trump iyo Ruushka.

Hase ahaatee, wali wakiilku ma uusan soo saarin go’aan rasmi ah oo ku saabsan in madaxweynaha uu sharciga ku xad gudbay iyo in kale.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews