berberatoday.com
Ciyaaryahanka Maxamed Salaax Oo Loo Aqoonsaday Inuu Kamid Yahay Boqolka Qof Ee Ugu Saamaynta Badan Caalamka
April 20, 2019 - Written by Berbera Today

Uk(Berberatoday.com)-Weeraryahanka kooxda Liverpool, Maxamed Salaax, ayaa sheegay in ragga ay “dhaqanka wadaagaan iyo kuwa Bariga Dhexe” looga baahan yahay inay si xushmad dheeraad ah leh ula dhaqmaan dumarka, xilli uu laacibkan ka mid noqday boqolka qof ee ugu saamaynta badan caalamka ee ay soo xulatay jariirada Time.

Laacibkan 26 jirka ah ee Masar u dhashay, ahna nin si wanaagsan ugu dhaqma diinta Islaamka, ayaa kamid ahaa lixda qof ee sawirradooda lagu daabacay bogga hore ee jariiraddaasi Maraykanka ka soo baxda, waxaana waraysigii lala yeeshay uu uga hadlay xuquuqda dumarka.

“Waxaan u baahannahay inaan wax ka bedelno dhaqankeena ku aaddan haweenka,” ayuu u sheegay jariirada Time.

Waxa uu intaa ku daray: “Waxaan u taageeraa dumarka si ka badan sidii aan horay ugu taageeri jiray, waayo waxaan dareensanahay inay u mudan yihiin wax ka badan waxa hadda la siiyo.”

Waxaa Salaax liiskaasi ku wehliya dad caan ah oo ay ka mid yihiin madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ra’iisal wasaaraha Pakistan Imran Khan, asaasaha Facebook Mark Zuckerberg, xaaska madaxweynihii hore ee Maraykanka Michelle Obama iyo fanaaniinta kala ah Ariana Grande iyo Lady Gaga.

Dadka ku soo baxay liiskan ayaa loo kala qeybiyay shakhiyaad horseed ah, fanaaniin, hogaamiyayaal, kuwo caanbaxay iyo shakhsiyaad aad muhiim u ah oo ka mid yahay Maxamed Salaax.

John Oliver oo ah majaajileyste u dhashay Ingiriiska daadihiyana barnaamijka Last Week Tonight isla markaana taageero weyn u ah kooxda Liverpool ayaa maqaal kooban oo uu uga hadlayo Salaax u qoray jariirada.

“Mo Salaax waxaa bani’aadan ka wanaagsan laacibka uu yahay,” ayuu qoray Oliver oo intaa ku daray, “waxaana uu kamid yahay laacibiinta ugu wanaagsan caalamka.”

“Mo waa qof muhiim u ah Masaarida, dadka Liverpool iyo Muslimiinta dunida oo dhan, sidaa oo ay tahayna waa nin aan isla-weyni ku jirin, dadka ka fekera oo qosol badan.”

Maxamed Salaax ayaa Juun 2017 Liverpool uga soo biiray kooxda Roma, waxaana xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay uu kooxdaasi u dhaliyay 44 gool.

Xilli ciyaareedkan oo ay Liverpool dadaal weyn ugu jirto hanashada horyaalka Ingiriiska markii ugu horreysay tan iyo 1990, ayaa Salaax waxa uu dhaliyay 19 gool oo Premier league-ga ah.

“Dadku markasta wax weyn ayay kaa filayaan,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray “Waxaad arkeysaa carruur xiran funaanadaada oo sheegaya in maalin uun ay ku haminayaan inay adiga oo kale noqdaan.”

“Marka cadaadiska ayay ku kordhinayaan, balse dhanka kale waxa ay kaa dhigaysaa qof ku faraxsan guulaha uu ilaa hadda gaaray.”

Shanta qof ee bogga hore ku wehlisa Salaax ayaa kala ah fanaanada Taylor Swift, jilaayaasha kala ah Dwayne Johnson iyo Sandra Oh, weriyaha Maraykanka ah ee Gayle King iyo afhayeenka aqalka wakiillada Maraykanka Nancy Pelosi.

Salaax ayaa kamid ah saddex xiddig oo caalami ah oo dheela ciyaaraha kala kuwan, waxaana labada kale ay kala yihiin Caster Semenya oo u dhalatay Koonfur Afrika laba goorna qaaday horyaalka orodka sideeda boqol ee mitir ee Olimbikada iyo gabadha kaalinta koobaad kaga jirta tennis-ka ee Naomi Osaka oo u dhalatay Japan.

Laacibiinta kale ee liiska ku jira balse u dhashay Maraykanka ayaa kala ah LeBron James oo caan ku ah kubadda kolayga ee NBA, Tiger Woods oo golf-ga dheela iyo laacibka kubadda cagta ee Alex Morgan.\

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews