berberatoday.com
Daawo Muuqalka”Madaxweynaha Somaliland Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Ka War-Bixiyey+Sawiro
April 21, 2019 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo safar shaqo ugu maqnaa waddanka Imaaraadka Carabta, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo oo safar maalmo qaatay dalka kaga maqnaa, ayaa waxa madaarka Cigaal International Airport kusoo dhaweeyey xubno kamid ah golaha wasiirrada, saraakiil ka socday axsaabta mucaaridka ah, maamulka gobolka Maroodi-jeex, saraakiil xukuumadda ka tirsan iyo agaasimeyaal guud.

Image may contain: 1 person, standing and outdoor

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo Is-kaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka warbixiyey waxyaabihii ay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo masuuliyiinta Imaaraadka carabtu ka wada-hadleen muddadii ay safarka shaqo halkaas ugu maqnaayeen, isaga oo hoosta ka xarriiqay in si gaar ah diiradda loo saaray arrimaha iskaashiga iyo nabadgelyada

Image may contain: 5 people, people smiling, people standing and suit

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay kulamada ay weftiga uu madaxweynuhu hoggaaminayaa la qaateen masuuliyiinta ugu sarreeya dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta lagaga wada hadlay arrimo dhinaca horumarinta dhaqaalaha Somaliland la xidhiidhiidha, kuwaas oo ay ugu weyn tahay Aas-aasidda shirkad ka shaqaysa xoolaha Somaliland

Image may contain: 1 person, sitting
Image may contain: 4 people, suit and indoor
Image may contain: 2 people, people sitting

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

 

 

 

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews