berberatoday.com
Xogo Laga Helay Ujeedada Safarka Madaxweyne Muuse Biixi Ku Joogo Dalka Imaaraadka
April 21, 2019 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa khamiistii socdaal kedis ah ku tagay dalka Imaaraadka Carabta.

Ma jiro wax war ah oo laga hayo socdaalka Madaxweyne Biixi iyo ujeedada ka dambaysa, isagoo bishii hore ee March socdaal ku tagay dalkaas UAE.

Hase yeeshee warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in socdaalka Madaxweyne Biixi uu salka ku hayo arrimo ku saabsan saldhiga milatari ee Imaaraadka Carabtu ka dhisanayo magaalada Berbera.

Sida uu warku sheegay weli dawladda Somaliland may bixin warqada u dambaysa ee ogolaanshaha ee saldhiga, waxaanu warku sheegay in Madaxweyne Biixi uu socdaalkiisii u dambeeyay ee bishii March uu madaxda UAE ee uu la kulmay ka codsaday in madaarka ay UAE ka dhisanayso Berbera loo isticmaali karo in laga soo dejin karo shixnadaha Kaargooga ee shacabku leeyihiin, waxaanu warku intaas ku daray inaanay dawladda UAE jawaab rasmi ah weli ka bixin dalabka Somaliland.

Waxase ay warar laga helayo ilo kale oo diblomaasiyadeed tilmaamayaan suurtogalnimada in dawladda UAE ay garoonkan oo ay markii hore ugu tallo gashay arrimo ciidan hadda u bedesho xarumo saad ‘Logistic centers’

Geesta kale, waxa ay doodi ka dhalatay hawsha dhigista dhagaxa jayga ah ee garoonka Berbera, waxaanu warku sheegay inay dawladda Somaliland joojisay hawshaas ka dib markii qandaraas lagu soo siiyay nin Carab iyadoo ay awoodi karaan inay hawshaas qabtaan shirkadaha waddaniga ahi.

Geesta kale, waxa toddobaad ka hor Hargeysa socdaal ku yimid Mr. Maxamed Kidib Al Rashaad oo la taliye ka ah xafiiska Mansour bin Zayed Al Nahyan oo ah Raysalwasaare-xigeenka UAE iyo Wasiirka madaxtooyada.

 

 

Source:- Geeska

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews