berberatoday.com
“Yoolkayagu Waxa Weeyi In Aanu Yarayn Karno Shilalka Gaadiidka Oo Aanu U Aragno Masiibo Qaran Oo Runtii Dhibaato Badan Oo Dalka Iyo Dadka Ku Haya…”-Wasiirka Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Cabdilahi Abokor Cismaan
April 22, 2019 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda JSL ayaa markii ugu horreysay ku gudo jirta qorshe ay ku xakamaynayso xawaaraha Gaadiidka iyo waliba qaabkii loo yareyn lahaa shilalka Gaadiidka oo had iyo jeer ay ka dhalato khasaare ba’an oo maal iyo naf ahi.

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL Mudane Cabdillaahi Abokor X Cismaan, ayaa warbaahinta uga warramay qorshayaal isbarkan oo la doonayo in lagu yareeyo shilalka Gaadiidka.

Wasiirku ugu horreyna waxa uu faahfaahin ka bixiyey qorshe Somaliland ku cusub oo ku saabsan xawaaraha Gaadiidka sidii loo xakamayn lahaa, waxaanu yidhi “Qalab lagu xadidayo xawaaraha Gaadiidka iyadoo loo sameynayo noocyada Gaadiidka sida kuwa rakaabka qaada, Booyadaha, Jaadlaha, iyo wixii kale ee aanu u aragno wixii kale aanu u aragno inay khatar galin karaan nolosha dadka in lagu xukumo, markaa qorshuhu waxa weeyi in aanu hore u hirgelino iyadoo qorshahayagu yahay in gaadhiga rakaabka qaadaya aanu xawaarihiisu ka badnaan saacadii 80km, Booyadahana saacadii 60km, Gaadiidka jaadkana in aanu xawaarihiisu ka badnaan saacadii 100km, markaa hawshaasi gacanta ayaanu ku haynaa oo haddii ALLE yidhaa dhaqso ayey u hirgeli doontaa”.

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay halista shilalka gaadiidka iyo qorshaha uga meel yaala,  “Bilihii u dambeeyey waxaanu dhameystirnay in aanu sameyno shirkadihii Somaliland u qaban lahaa adeega bad-qabka Gaadiidka, waxaananu uga jeednaa waxyaalahaasi sidii aanu u dhimi laheyn shilalka gaadiidka, iyadoo aanu casriyeynay liisankii wadista gaadiidka, waxaana gacanta lagu hayaa in aynu helno waddooyin fiican, sidaasi awgeed haddii ALLE yidhaa yoolkayagu waxa weeyi in aanu yarayn karno shilalka gaadiidka oo aanu u aragno masiibo Qaran oo runtii dhibaato badan oo Dalka iyo Dadka ku haya”.

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL Mudane Cabdillaahi Abokor X Cismaan, waxa kale oo la weydiiyey qorshaha uga meel yaala xilli roobaadka iyo dhibaatooyinka dooxyada ka dhasha, “Laba doox ayaa ugu khatar badan oo midi waa dooxa Dacar-budhuq oo dhismihii ayaa ku socda oo shirkad ayaa dul degan ciidana wuu joogaa, labada dhinacna waa laga xidhayaa markay daadadku marayaan haddii ALLE yidhaa, dooxa kale ee Aw-Barkhadle na waxaanu inta badan sameyna koox ka shaqeysa oo ciida ka gurta iyo Cagaf dul joogta, markaa wixii ALLE qadaray waa halkiisa ee qorshahayagu waxa weeyi in ciidana la dhigo ciidana laga qaado labadaasi doox”.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL Mudane Cabdillaahi Abokor X Cismaan, waxa uu farriin war gelin ah u diray wadayaasha gaadiidka, “Waxaan jecelahay in aan waddayaasha ku war geliyo in inta badan shilalku u dhacaan xilkasnimo darro oo iyagoo arkaya waddayaashu dooxu inuu socdo ayey gaadiidka galayaan, waanay adag tahay qof naftiisa haligaya inaad wax ka qabato, markaa waxaanu jecelnahay inay ka taxadiraan markay dooxyada daadadku marayaan, waxaanan rejaynayaa in sanadka danbe aynu mari doono dhulkaasi oo laga dhisay Biriijyo haddii ALLE yidhaa”. Ayuu yidhi Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews